Dijaal Hoos Qarsoon: Maansadan waxaa curiyey Cabdirisaaq darwiish.

Maansada waa Dijaal hoos qarsoon waxay soo baxday 2018 waxay si guud ka hadlaysaa oo wax iska weydiinaysaa Ayaandarada soomali haysata, Dhiiga soomaliyeed ee qulqula geeskasta,  macno daradana u socda waxay is weydiinaysaa waa kee dijaalkan qarsoon ee umadii baaba’shay, Waa kee ka ka leexday dariiqii nabigeena ee duhur dharaareed umada muslimka ah qaraxa ku wada, yaa inoo diiday sida qaramada dunida inay horumar samayno oo guulo gaadhno. maansada dhexdeeda wuxu is waydiinayaa suaalo badan oo jawaabo waafiya u baahan.

Gabogabada maansada wuxu Abwaanku habaarayaa qofkasta oo ka qayb qaatay dhibka iyo silcinta umada somaliyeed sheekh iyo shariif kuu doonaba ha noqdee.

-yaa gumaaday dadkeenii
-yaa damiirkii dhaawacay
-dadnimadii haboonayd
-yaa dabar gooyey haldoorkii.

-dijaal hoos qarsooniyo
-yaa noqday qof daalina
-yaa duulka soomaali
-u diiday noloshoo
-dhiigooda daadiyey.
• duruustii xadiiskiyo
• digrigiyo quraankiyo
• yaa dayacay diintoo
• daba maray jidkeedii.
1. yaa doqoniimo qaatoo
2. shisheeyana u daaloo
3. dadkooda kala diley.
4. yaa dareenkii samaha
5. iyo dunidoo wada taal
6. degeladoo barwaaqo ah
7. yaa duugay oo nacay.
• yaa sharafta duulkey
• dalow dheer ka tuuroo
• dulinimada qaayibay.
• du’dadaan dhisayiyo
• deyrkii aan adkeeyiyo
• yaa dawladnimadii
• iyo somali dawadeed
• umad kala durugtiyo
• lix kala dab raacdiyo
• ka dhigay duul cadaawe ah.
1. taariikhda dalkaygiyo
2. dhigaal iyo xeer duugiyo
3. dura wixii aan lahayn
4. yaa ilbaxnimadii duugay
5. yaa beleda igu deyroo
6. ii dooray silicoo
7. nabadiina ii diiday.
• yaa noqday qof daalinoo
• duminaaya dalkiisoo
• daba dhilifka saacidoo
• dakanidayda raadsada.
• yaa dibindaabyo hoosiyo
• dabinada shirqoolka ah
• intuu boholo ii dedo
• ku degsiiyey dadweynaha
• yaa dabriyo weerariyo
• duulaana  iigu jira.
• yaa shilinka doorbiday
• yaa dulucdii ilaahay
• dawgeeda yaan marin
• yaa diiday soomaali.
• adiguna dadow heedhe
• intii damqanaysaay heedhe
• dareenkoodu joogoow heedhe
• taladii dadkaygiyo
• wanaagoo la dooniyo
• diintoo la raaciyo
• danyartiyo saboolkoo
• dantooda la dhowriyo
• dulqaadkoo la bixiyo
• dareenkiyo garashada
• iyo dirasho dheeriyo
• kii samaha diidoow
• godobtiyo daanada
• kii daba galaayoow
• kii doogta kiciyee
• uur doox abuuroow
• bulshadiyo dadweynaha
• daalaa dhacoodana
• ninka daawadee jecel
• ninka shicibka damqee
• diriciyo fariidkana
• horumarkiisa diidee
• degta kaga joogsanayoow
• dugaagii Arlada cunayee
• duminaayey  beeshoow
• bulshadii mideysnayd
• kii  kala dilaayee
• dabka laysku qaatiyo
• daan daan u kala raray
• xayn daab u kala dhigay
• dadkoodii mideysnaa
• ku shidaaya dogobkiyo
• duminaaya dhalashadoow
• diihaalkiyo gaajada
• kii nala damcaayee
• dixdoo madhan iyo
• jecel darkoo gudhoow.
• saadaashaada degelkey
• kii u diiday wanaagee
• duligana la doonoow
• waligaa deyeysnoow
• duuflaalku idin laa
• iyo dabaylaha jaan
• dulin hoose idin daar
• danab idin gumaad
• daadna idin qaad
• gudcur dama habeen dumay
• Allahayow dalanbaabigiyo
• doorsoonka dunidiyo
• qalbi diirnaxayniyo
• dakanada wareegtiyo
• silic Nolosha doonkiyo
• naga maydh duruuftiyo
• daranyada aduunyada
• oo daarta aakhiro
• martidii la dooniyo
• naga yeel dadkaagii
• daaimoow alloow
• ducayda ii yeel.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker