“Meesha aan ku noolahay ugama hadli karo arrinta Falastiin”

Haweeney magaceeda lagu soo koobay Saynab, oo degan dalka Jarmalka, ayaa sheegtay, “Qaybta Jarmalka ee aan ku noolahay, kama hadli kartid Falastiin iyo Israa’iil.”

Waxa uu intaa ku dartay “Ma qaban karno wax isu soo bax ah ama nooc kasta oo dhaqdhaqaaq ah oo lagu taageerayo Falastiin.”

Sida ay sheegtay, isu soo baxyo lagu taageerayo Falastiin ayaa lagu qabtay magaalooyinka waaweyn sida Berlin ama Frankfurt, laakiin sharciga Jarmalku waa mid aad u adag, dawladda halkan joogtana waxay doonaysaa in aan la qaban isu soo baxyadan, laakiin hadda baraha bulshada ayaa sidoo kale isha lagu hayaa. Ayay tiri Saynab.’

Saynab waxa ay sheegtay in qoyskeeda iyo dadka ku xeeran oo u badan qoyskeeda ay ka mamnuuceen in fikirkeeda ku saabsan Falastiin ku baahiso baraha bulshada sababtoo ah wali ma haysto sharciga dalka Jarmalka.

Saynab waxa ay Jarmalka uga shaqaynaysaa fiisaha shaqada taas oo ay sidoo kale ka cabsi qabto in dib loogu celiyo haddii xaaladdu ka sii darto maalmaha soo socda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker