Yemen:-UNHCR Oo Laga Eryay Xero ay ku Jiraan Qaxootiga Ugu Badan Ee Soomaaliyeed.

Xerada Qaxootiga Alqaras oo ku taalla Koonfurta dalka yemen,isla markaana ay ku sugan yihiin Qaxooti Soomaali ah oo farabadan ayaa laga Eryay Hay’adihii samafalka ee Taageerada siinayey Qaxootiga oo ay ugu weyn tahay Hay’adda UNHCR.

 

Sababaha looga Eryey Hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in uu khilaaf soo kala dhex-galay Madaxda Hay’adda & dadka deegaanka oo u dhashay dalka Yemen,taas oo sababtay in Hay’adda lagu amrey inay si deg deg ah uga baxdo xerada.

 

Khilaafka ayaa la sheegay in uu salka ku haayo in inta badan Hay’adaha kale ee hoostaga Hay’adda UNHCR ay ka Shaqeeyaan Macalimiin iyo askar u dhashay dalka yemen,balse ay Hay’adahaas Eryeen taas oo ay ka caroodeen dadka Yemeniyiinta ah.

Hay’adda UNHCR ayaa dhamaan waxaa ay joojisey raashinkii, Biyihii, waxbarashadii iyo waxyaabaha daruuriyaadka ah ee dadka la siin jirey,isla markaana haatan Soomaalida faraha badan ee Xeradaasi ku nool ay soo wajaheen xaalado daran oo nolol xumo.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Magaalada Cadan ay shir ku yeeshaan Madaxda Hay’adda UNHCR iyo hay’adaha kale ee hoostaga iyo kuwa horboodaya dadka Yemeniyiinta ah si xal looga gaaro khilaafka labada dhinac.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker