Qabiloow waxaad igu tiirsataa maalintaad ii baahan tahay.by jamal Hargeysaawi

Maayar maydhane qabiilka ma wuxuu ku tiirsadaa maalinta uu liito ee uu itaaldaranyahay, horaa waxaa looyidhi nin liita iyo maangaab ayaa mataansada qabiil.mayar maydhane wuxuu kamid yahay maan gaabyada  marnaba aan garanayn mudnaanta ay leedahay iyo miisaanka wax qabad ee bulsho hay ugu dhiibatay kursiga maanta uu ku  Lunsaday hantida dawlada dadkeega u damqanaysaa ku ogaatay.

Maaha qabiil ku maydhanow ka waxa xun lala doono sida adiga iyo kuwa caqli iyo garaad haan kugu dhaamin kuugu garabtaagan yihiin, qabiil waa kaas adigoo duuni iyo dhalaal kuugu dhaartay inaad bulsho kamid noqoto balse waxaad abaalkiisii ka dhigtay midka aad dhulka iyo hantida dadwaynaha aad ku dhacday, tolaay iyo itaal aan wax qabanayn miyaad ku xasuusatay maanta inaad qabiil si xun ugu dhiirato adoo garabka saaraya kuwii sida xun kuula dhuuqayay waxaad garasho uwayday inaad bulsho waxtar iyo horumar kaasugaysay hantidoodii ugu maasho ood mudnaanta siinin wixii waxgarad iyo taageero laguugu dhiibay.

Waxaa nasiibdaro ah in qawleysatadii wax la cuni jirtey maayar maydhane ay ceebtooda soo hor fadhiisteen tiiviiyada oo ay waliba yidhaahdeen waxaan taageersanahay ninkii degmada la degey ee hantidii shacabka reer borama bililiqaystey.

Hadaan nahay bulshada reer borama Waxaan nahay bulsho aan hubsiimo ku hawlgelin maankooda iyo maskaxdooda, falkooda iyo faalladoodana aan ku habayn si hagaagsan, waayo? Maan dooraneen maayar maydhane ee waxaan dooran lahayn qof aragti fog leh.

Hadaba markan waxay joogtaa  wakhtigii HOGGAAN  sax ah ay dooran lahaayeen golaha degaanka borama ee maaha maanta xildhibaanada laaluushka qaatey iney difaacaan tuuga lacagtii cashuurta masaakiinta laga soo ururiyey  ku dhistey guryaha.

Xukumada JSL waxaa ceeb iyo wax laga xishooda ku noqoneysa in maayar maydhane oo jarjarey waqadii waaranta ,iyo hanti dhawrka oo ku haya musuqmaasuq baahsan oo u sameeyey maayar maydhane ,abaabul uu kicinaayo dhalinya xaafadaha hadaba ninka waxaa soo dambi ah ku jira waa in ay xukumadu jeelka u taxaabtaa sidii ina iley loo galey waa inuu anba dhamey qadhaadhkee waa inaad dhadhimisaa.

By Jamal hargeysaawi

Jamahargeysaawi@gmail.com

Uk London.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker