Mareykanka Oo Dib U Soo Celiyay Cunaqabateyn Adag Oo Uu Saaray Iran & Iran Oo Ka Cadhysan.

Maaamulka Mareykanka ayaa dib u soo rogay ama dib u soo celiyay cunaqabateyn xagga shiidaalka iyo maaliyadda ah oo saran dalka Iran,si cadaadis loogu saaro jojinta dhismaha gantaalada iyo barnaamijka hubka nuclear .

Tallaabadaan ayaa keeneysa in meesha laga saaro heshiiskii dhinaca hubka nuclear–ka ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama uu la galay Madaxda Iran,waxaana cunaqabateyntaasi ay sameyn doontaa maraakiibta daabula shiidaalka,Ceymiska iyo qeybaha Bangiyada.

Madaxweynaha dalka Ian Hassan Rouhani ayaa wacad ku maray in uu burburin doono cunaqabateynta lagu soo rogay dalkiisa,gaar ahaan Tamarta iyo bangiyada.

Madaxweynaha oo manta ka soo muuqday Telefishinka dalka Ian ayaa sheegay in Mareykanka ay doonayaan in la joojiyo dhoofinta shiidaalka ,wuxuuna inta raciyay in ay qaadi doonaan tallaabo kasta oo lagu burburinaayo cunaqabateyntaasi.

Dalalka China, India, South Korea, Japan iyo Turkiga ayaa la filayaa in ay soo jeediyaan joojinta cunaqabateynta Iran,si aysan u dhicin qiimo koror ku yimaada sicirka shiidaalka.

Donald Trump ayaa bishii May ee la soo dhaafay ku dhawaaay in uu ka baxay heshiiskii hubka Niyuklerka ee Obama uu la galay Iran sanadkii 2015-kii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker