Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Maanta Qoreen Wargeysyada Yurub

Asalaamu calaykum, idilkiinba salaan akhristayasha sharafta lahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii wararka suuqa kala iibsiga iyo waxyaabihii ay wargaysyada Yurub ka qoreen maanta oo Sabti ah.

Kooxaha Yurub ayaa dagaal wayn ugu jira in ay suuqa kala iibsiga ka raadsadaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay kooxahooda xooin u noqon karaan inta aan la gaadhin xili ciyaareedka cusub.

Shabakada Laacib oo aad uga barateen in ay marakasta si joogto ah idiinla socodsiiso wararka suuqa ayaa halkan idiinku soo ururisay wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo xidigaha la kala doonayo.

Suuqa kala iibsiga
Wargeysyada Ingariiska & wararka suuqa kala iibsiga
FIIRO GAAR AH: Wararka Suuqa waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada Laacib kama masuul aha xaqiiqinimada warkan maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.

WARARKA SUUQA KALA IIBSIGA
Matthijs de Ligt ayaan la safri doonin kooxda Ajax socdaalkooda xagaaga ee ay maanta ku tagayaan dalka Austria. Daafaca dhexe ee Netherlands oo 19 sanno jir ah ayaa qarka u saraan inuu heshiis 70 milyan euro ugu wareego kooxda heysata horyaalka Serie A ee Juventus. (Sky Sport Italy)

Manchester United ayaa 30 milyan ginni ku kordhisay lacagtii ay ku qiimeyneyso xiddigeeda khadka dhexe Paul Pogba oo 26 sanno jir ah iyagoo ka dhigay 180 milyan ginni, si ay meesha uga saaraan xiisaha Real Madrid oo aan awoodin inay lacagtaas bixiso, waxayna arintaan uga gol leeyihiin dagaal ay ku bilaabayaan wakiilkiisa Mino Raiola oo warbaahinta ka sheegay in Pogba uu doonayo inuu baxo. (The Sun)

Juventus ayaa soo gabagabeysay xiisaheeda Paul Pogba taasoo wadada u fureysa Real Madrid inay la wareegto xiddiga khadka dhexe ee Faransiiska. (Daily Mail)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker