Maanso: Isdura. 1st Sep.2020. By: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)
Maanso: Isdura. 1st Sep.2020. By: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)
1. In dhoweyd ma doobiyin
2. Mana ridin hub-doorkii
3. Mana dirin farriin dedan
4. Mana durin nin daacada
5. Ma duqayn nin ii daran
6. Mana digan sidii hebel
7. Darbadaaley maan tirin
8. Deel-leyna maan furin
9. Maansadan isduraysana
10. Iyadaa isduraysee
11. Ninna kuma aan durayee
12. Deleb iyo shax weeyaan
13. Waana danab sidiisii
14. Iyo xogo dahsoonaa
15. Iyo baadhis daacada
16. Iyo dalab la saanyadey
17. Waa digniine iga gunud
18. Qalbigana u sii daa
19. Dharaartii deryaankiyo
20. Digtu weyni yeedhee
21. Derisyadu colloobeen
22. Dharaartii dukaamada
23. Dukum-daakum laga dhigay
24. Dharaartii la diirtee
25. Dugsiyadii la dhalan rogey
26. Dharaartii la dabar jaray
27. Kaydkiyo diwaankii
28. Dharaartii rag dacas lihi
29. Duqii talada hayn jirey
30. Deyrka uga daateen
31. Dharaartii dirsoociyo
32. Dakanadu biloowdeen
33. Dhararaatii dadnimadii
34. Loo rogay dugaagnimo
35. Dharaartii damiirkiyo
36. Damqashada la oofsaday
37. Dharaartii dikriga iyo
38. Diintii la baal maray
39. Dharaartii hablaha dedan
40. Duuflaalku beegsaday
41. Dharaartii la kala diday
42. Sida deero iyo cawl
43. Dharaartii darxumadiyo
44. Diiftu ay midoobeen
45. Dharaartuu dalkeenniyo
46. Dildillaacay qarankii
47. Ubadkay dihanaysiyo
48. Dulmar iyo ninkeedii
49. Dharaartay dayowgii
50. Dalanbaabigii dhacay
51. Midba uu doc beegsaday
52. Ee la kala dillaamee
53. Dalandoolay geeddigu
54. Yaan Daa’in tiisii
55. Sidii geel dibboodoo
56. Uu waraabe didiyiyo
57. Awr dabar la’aan dhacay
58. Anna aan dayaankii
59. Weydaartay deyrkii
60. Hayeeshee ma’aan degin
61. Derintiina maan dhigan
62. Muddo waxaan diboodoo.
63. Aan duleedka meeraba
64. Waxaan cadho daraaddeed
65. Dibnahayga ruugaba
66. Wixii aan sidii diin
67. Aan diraaco soomaba
68. Wixii aan war doorliyo
69. Ku ii daran dhegeystaba
70. Waxaan damaca uurkiyo
71. Isku tolo dantaydaba
72. Waxaan doonistaydiyo
73. Da’da xeer u kala qoro
74. Wuxuu dookh i hago iyo
75. Wuxuu calafku diidaba
76. Waxay dihato laabtiyo
77. Waxay runi duduucdaba
78. Ceel dawray waal hore
79. Dawlis waxaan u tuuraba
80. Dig waxaan istaagiyo
81. Debci waxaan idhaahdaba
82. Waxii aan durduriyiyo
83. Darandoorri waxaan galo
84. Waxaan dawanka yeedhshiyo
85. Waxaan dega idhaahdaba
86. Danbar waxaan ka leefiyo
87. Waxaan dhaqayo duugaba
88. Sidii dibigii doollood
89. Waxaan dadab u boodaba
90. Waxaan tebo dalkeeniyo
91. Derbi wuxuu nakala xidho
92. Anoo duudda sare iyo
93. Dusha fooqa oogada
94. Daymada jalleecada
95. Isha doojinaayoo
96. Inta duusha samadiyo
97. Daawanaaya haaddoo
98. Shimbiruhu duryamayaan
99. Saw dabayl udgoon iyo
100. Laaydh debecsan maan urin
101. Saw dareen nuglaa iyo
102. Dacar iyo ladh may kicin
103. Saw doog ma xadantayn
104. Iyo nabar dahsoonaa
105. Saw maalin dabadeed
106. Nafta dood lamaan gelin
107. Saw doonisteedii
108. Durba uma hoggaansamin
109. Saw degelkii kuma furin
110. Weligii dekaan iyo
111. Safar daal ma waayee
112. Nin dal dheer u haajirey
113. Isna dayma-daymiyo
114. Didmadaa u sii dheer
115. Xaajadu delleganaa
116. Isdiidooyin badanoon
117. Ku dayoobay badanaa
118. Wax is duraya badanaa
119. Is duqayntu badanaa
120. Duurxulistu badanaa
121. Dabin qoolan badanaa
122. Diric sheelan badanaa
123. Dadku qoonsii badanaa
124. Duryan iyo war badanaa
125. Diradiruhu badanaa
126. Isku digasho badanaa
127. Malaa waad dayoowdiyo
128. Waabad yara duqaysiyo
129. Shaki baa i dubuq yidhi
130. Ha degdegin misna is idhi
131. Malaa xaajo dedan iyo
132. Waxa jira duruufo’e
133. Mar is idhi durduro orod
134. Dubur hawd ka sii aad
135. Marna idhi dan ha u gelin
136. Duni beer ka raran iyo
137. Dabayaaqo weeyee
138. Dabciyoo haddana dhigay
139. Kana eegay daan kale
140. Duqii reerka hagayiyo
141. Ninkii ugu da’ weynaa
142. Daaskiisii beegsaday
143. Goor duhura weeyaan
144. Waa salaaddii dabadeed
145. Waxaan idhi Ducaaloow
146. Daacadnimo xogta isii
147. Maxaa helay dadkeenii
148. Miyaa layna kala dilay
149. Miyaa layna degel rogay
150. Mise duulal kale iyo
151. Jiman baa dalkii degey
152. Ma anaa is daba maray
153. Mise dooni-jirey-arag
154. Iyo doorarkii sula
155. Yaan daba socdaayoon
156. Doon doonayaa keli?
157. Wuxuu yidhi Dakaanoow
158. Duqa beesha ugu weyn
159. Iyo Maammo Dahaboba
160. Midna hoos wax uma dayo
161. Ugumana uu daadego
162. Anna inaan wax dooxiyo
163. Hayga filan war daalacan
164. Waanse kuu yar dedayaa
165. Dulucdee ha gaagixin.
166. Waxaan idhi bal soo daa
167. Ilaah daa’inkeennii
168. Kuuma uu darraanine
169.
170. Wuxuu yidhi Dakaanoow
171. Wiil yohoow dalkeenii
172. War hooy daraf ilaa daraf
173. Xaqii waa la duudsiyey
174. Dusha baadilkaa yaal
175. Dadkaa saa ku raalliya
176. In la deedafeeyiyo
177. Diidmana warkeed daa
178. Waana doorashee garo!
179. Waxaan idhi Ducaaloow
180. Miyaan cidi ka diirayn
181. Maxaa loo dugsanayaa
182. Meeyey doorkii odaynimo
183. Duubcastii maxaa helay
184. Adigiyo da’daadii
185. Dibnihiyo afkiinnii
186. Ma gabeen dareenkii
187. Wuxuu yidhi digtoonoow
188. Ninka duubka noo sida
189. Dulmi weeye magacii
190. Dabar iyo hogaan iyo
191. Maba laha dastuur xidha
192. Ogoow debecu waa’u ceeb
193. Anigiyo Digaaliyo
194. Dab-la-riday Cigaal iyo
195. Odaygii Dabreeyiyo
196. Dacar iyo Warfaabaa
197. Ugu tegey dacwiyo hadal
198. Iyo dood wedkeed galay
199. Waxaan idhi bal soo daa
200. Ilaah darajadiisiyo
201. Deeq kuuma waayine
202. Wuxuu yidhi xiska u daa
203. Diin baa god goray galay
204. Goray baa god diin galay
205. Iyo waa is daba meer
206. Is diidooyin weeyee
207. Siday isu dabraayaan
208. Ugu fiirso dulucdana
209. Hana didin sidii adhi
210. Hana dudin sidii gaban
211. Hana duwin ujeeddada
212. Sidii nimankii debedaha
213. Ha ku sigannin dabinnada
214. Iyo godadka wada dedan
215. Hadalkiyo duxdiisii
216. Iga qabo war dalab tiran
217. Dirindiir wax beertiyo
218. Ayax doog dhalaan ahay
219. Dogob midhaha saariyo
220. Danbas ololayaan ahay
221. Biyo kor u dillaamiyo
222. Dab dhaxana yaan ahay
223. Wax dabayshu sidatiyo
224. Daadxoor biraan ahay
225. Maaleey dingiigtiyo
226. Dacar malab ah baan ahay
227. Doomaar hadh weyn iyo
228. Damal qaawan baan ahay
229. Dhunkaal la isku duro iyo
230. Dawo sun ah ayaan ahay
231. Jiilaal la daaqiyo
232. Doog abaar ah baan ahay
233. Dulin aan wax cunin iyo
234. Shilin doobir laan ahay
235. Dibjir xoolo badanliyo
236. Doob xaas leh baan ahay
237. Nimaan diinta baranoo
238. Dikriyaaya yaan ahay
239. Diktoor aan wax dhiganoo
240. Wax daweeya yaan ahay
241. Nin dadkiisa boobiyo
242. Hogaan daacadaan ahay
243. Sheekh deggan agtiinnoo
244. Xaqa daaha yaan ahay
245. Nin dadkaba u roonoo
246. Dila maatadaan ahay
247. Runtu nimay ka durugtoo
248. Been ku daaban baan ahay
249. Nin samuhu damqaayoo
250. Xumo doonayaan ahay
251. Nimuu dacas ku biiroo
252. Daal u jeellan baan ahay
253. Nin dabaalanaayoo
254. Dac dhex jiifa yaan ahay
255. Duunyada nin neceboo
256. Daar ka buuxsadaan ahay
257. Nin dhisaaya deyr oo
258. Duminaaya baan ahay
259. Nin darmaan dhaqaayoo
260. Qayl la daajiyaan ahay
261. Nin dameero hoystoo
262. Fardo daawadaan ahay
263. Doon badweyn nin saaroo
264. Dejinaaya baan ahay
265. Nin dhaqaaya duunyoo
266. Dugaag siinayaan ahay
267. Nin jacayl damqaayoo
268. Misna dudaya yaan ahay
269. Nin ugaadh dabaayoo
270. Misna didinayaan ahay
271. Nin hagaaya duuloo
272. Kala diraya yaan ahay
273.
274. Nin dillaac tolaayoo
275. Dawaar haysan baan ahay
276. Nin durbaan tumaayoo
277. Ilaaq diidayaan ahay
278. Nin dar ceel agjoogoo
279. Oon dayeeyey baan ahay
280. Nin diyaarad korayoo
281. Dhulka duulayaan ahay
282. Nin difaac adkaystoo
283. Is duqaynayaan ahay
284. Nin isagu is doortoo
285. Isu doodayaan ahay
286. Nin hal doora yaan ahay
287. Nin xukuma dalkaan ahay
288. Dadka nin u tashaan ahay
289. Anuun baa dabka u shida
290. Anaa dunida oo idil
291. Uga raadsha deeqaha
292. Anaa doollar ugu roga
293. Dabadeed ku kala dila
294. Duul wareersan weeyaan
295. Dad sawaaban weeyaan
296. Waxba dooni maayaan
297. Waxna diidi maayaan
298. Iyagaa I daba galay
299. Darajooyin igu taxay
300. Iyo duubab waaweyn
301. Oo durbaanna ii tuma
302.
303. Waxaan idhi dalaadala
304. Bal halkaa ku yara daa
305. Dib u liqay hankaygii
306. Jaljalleecay dacallada
307. Doondoontay kabihii
308. Degdegsiinyo idhi weedh
309. Oo abbaaray dalabtii
310. Kuna idhi cod diimoon
311. Barta doogta nabarkiyo
312. Damqasha dhalaysaa
313. Waa labadan darafee
314. Midba uu mid durayee
315. Is dabraaya keligood
316. Aan hadalka dooxee
317. Waxa helay dalkeennii
318. Waa daallim taliyiyo
319. Dadkiiyoon hus odhanayn
320. Dulmigana ku raalliya
321. Wuxuu yidhi Dakaanoow
322. Dar Ilaahay maandhoow
323. Runtii baad daboolkiyo
324. Dedkii aad ka feydoo
325. Dayax shan iyo toban iyo
326. Adaa laydh ku daaraye
327. Halka damal u dhimatayna
328. Daah qarshaa ma saarnoo
329. Waa daahir-yashis
330. Waana sidaad u dabartee
331. Ugu duugtay qalinkee
332. Diibkiyo bakhaankiyo
333. Dawaadda ugu jiiddaye
334. Waxa reerka kala diley
335. Ee dooxatada dhalay
336. Dulmi biiray weeyaan
337.
338. Anoon dalab u yeelayn
339. Hadalkaagan dahabka ah
340. Ducaaloow hal daba dhaha
341. Iyo erey dardaarana
342. Bal diiwaanka ii geli
343. Ogoow doob nin tuuriyo
344. Daaquudka oo idil
345. Diktaatoor waxaa dhala
346. Bulshadii damiirkiyo
347. Ka talloowda diintee
348. Bulsho doorkii laga rabey
349. Iyo moog dantii guud
350. Bulsho daacadnimadiyo
351. Aan samaha door bidin
352. Bulsho kii dig-dhebi laa
353. U tumaaya daasado
354. Bulsho kala dillaantoo
355. Dacal-dacal u kala go’an
356. Bulsho daal ku raagtoo
357. U adeegta derisyada
358. Bulsho aan ka diirayn
359. Sida diifta loo baday
360. Bulsho gaajo dubatoo
361. Dalag aan ku soofayn
362. Waxba yaan ku daaline
363. Demmanaanshahoodaa
364. Kuwan loogu daw galay
365. Denbigeey faleenbaa
366. Dhalay daallim iyo tuug
367. Iyo “keli-isdoorbide”
368. Iyo toban dillaallo ah
369. Oo qabiil ku daafaca
370. Iyo kuwo u qiil daya
371. Wayse ila yar durugtee
372. Denbi kuma hadaaqine
373. Dan baa reerba guuraa
374. Dulucdaydu waxay tahay
375. Inta diirka saantiyo
376. Naftu ay dig leedahay
377. Daa’in lagama quustoo
378. Baryo lagama daalee
379. In Ilaah wax doorshaa
380. Ducay jeer ahaataa
381. Danbaysona warkeed lehe
382. La arkee dirkeenniyo
383. Kuwa duugga sugayaa
384. Nabsi inuu usoo duxo
385. La arkee dulmanihiyo
386. Inta dibedda jiiftaa
387. Inay daakhilka u geli
388. La arkee hantida dihin
389. In diktoorkii qodi lahaa
390. Ilaah diric uu keenaa
391. La arkee in daranyada
392. Danyarteennii haysaa
393. Duul kale u meertaa
394. La arkee in diiftani
395. Doog iyo naq uu xigo
396. Oo aan la dacaroon
397. Da’ yarteenna la arkee
398. Inay dunidu jamatoo
399. Dhaqso loo dawariyoba
400. La arkee kuwii diday
401. Ee daanta Yurub jirey
402. Inay soo dillaamaan
403. La arkee mid daacada
404. In Ilaah dalkeennaa
405. Uu ciyoon usoo diro
406. Xaqu sidaa ku daahiro
407. Darbo kalena iga gunud
408. Inuu daaho mooyee
409. Siday diintu nagu tidhi
410. Samir wuu dihnaadaa
411. Waana door la kaashado
412. Waana deeq Rabbaaniya
413. Waxse aan ku daba ladhi
414. “Dadaalaaba gaadhee”
415. Wax saciisu dibi dhali
416. Ninkii seexda duhurkii
417. Iyo doqon war mooge ah
418. Weligaa digtoonoow
419. Hana dhigin dabkaagiyo
420. Degta qoriga kuu sudhan
421. Hadduu ruux ku dago jeer
422. Waa digniine weelee
423. Hadduu damacu qaadoo
424. Mar kaleeto kugu dayo
425. Adigiyo dadnimadaa
426. Gobannimo dunteediyo
427. Dantu waa ma guurtee
428. Daldaloolka ka ogoow
429. Weligaa damiirkiyo
430. Ka adkoow dareenkoo
431. Halkii reerku degi laa
432. Yaanu daallim kuu rarin
433. Dulmigiyo sharkaba diid
434. Diidmada qayaxan sii
435. Labadaba dagaal iyo
436. Dirir iyo warma u tumo
437. Ta danbena Alle u daa
438. Ducaduna inoo furan
439. Doodduna inoo xidhan
440. Dooduna inoo xidhan
Waxa curiyey: Maxamuud Ibrahim Jaamac (Xaaji)
Email: dalmarbilaal@gmail.com