Ciidanka Booliska Oo Saaka Dilay Libaaxii Baxsaday Iyo Jaarka beerta libaaxyada Oo Ku Baaaqay In Laga Raro libaaaxyadaas

Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Daba gale ayaa Saaka xaqiijiyey in Ciidanka Boolisku dileen Libaaxii ka Baxsaday Beerta lagu xannaaneeyo ee uu leeyahay Cali Maxamed Warancade.

Taliyaha oo Saaka u Waramay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidanka Boolisku ay tan iyo xalay baadi goob ugu jireen sidii loo qaban lahaa Libaaxan oo dhaawacay ruux haween ah markii uu ka baxsaday Beertii lagu hayay.
Saraakiisha Ciidanka Boolisku waxay intaas ku dareencinay saaka toogteen waxaanay fagaare ku soo bandhigeen bakhtigiisii.

Dadweynaha la jaarka ah beerta libaaxyada, ayaa ku baaqay in laga raro libaaaxyadaas oo Cali Waran-cadde oo cabsi joogto ah ku haya dadweynaha xaafadaas.

Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu Shacabka Caasimadda Hargaysa u sheegay in caasimadu nabad tahay isla markaana la soo afjaray hadal hayntii ka dhalatay Habeenkii xalay Libaaxaas baxsadka ahaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker