Dawlada Mareykanka oo Saraawiil Baadha u Soo Dirtay Saldhiggii Lamu ee Shabaab ay weerareen Wiigii hore

Lamu (OWN) – Dowladda Mareykanka ayaa bilowday Baadhitaan ku aadan Weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen Saldhigga Militari ee Mareykanka ee ku yaalo Magaalada Lamu ee dalka Kenya kaasoo lagaga dilay Saraakiil sar sare.

Sidoo kale weerarkii Al-Shabaab ee Axaddii lasoo dhaafay ku qaadeen Saldhigga Mareykanka ayaa lagu dhaawacay xubin ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka.

Taliska Maraykanka ee Qaaradda Africa oo mas’uul ka ah Howlgalada Mareykanka ee Qaaradda Africa ayaa saldhigga uu weerarku ka dhacay usoo diray saraakiil baadhitaan ku sameyso Weerarkii dhacay.

“Waxan deg-deg ugu diray xubno taliskeyga ka tirsan si ay ciidankeena iyo taliyeyaasha saldhigga jooga uga soo dhageystaan faahfaahinta weerarkii ay ku qaadeen Al-shabaab” ayuu yidhi Taliyaha Africom Gen Stephen Townsend.

Major General Michael Turello oo ah taliyaha howgaladda dibadda ee geeska Africa ayaa kamid ah saraakiisha loo diray Saldhigga.

Sidoo kale waxaa kamid ah General Leonard Kosinski oo ah Taliyaha guutada ciidanka cirka ee howlgalada Africa iyo saraakiil sare sare si baaritaan dhab ah loogu sameeyo qaabkii ay u fududaatay in la weeraro saldhigga Mareykanka ee laga hago duqeymaha iyo weerarada ka dhaco Soomaaliya.

Markii ay Al-shabaab weerareen Saldhigga ay deganyihiin military-ga Maraykanka iyo Kenya ee Manda Bay waxaa halkaasi la geeyay ciidanka kale oo ka tirsan Africom kuwaas tiradoodu u dhaxayso 50 illaa 100 askari.

Lamu oo ah halka uu ku yaalo Saldhigga Mareykanka ee la weeraray ayaa waxaa ka bilowday barakac xooggan oo ay sameenayaan dadka Shacabka ah oo cabsi ka qabo in kooxda Al-Shabaab ay mar kale weerar kusoo qaado Saldhigga.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ah koox xiriir la leh Al-Qaacidda, waxayna ka dagaalantaa Soomaaliya iyo qeybo kamid ah dalka Kenya oo ay ka sameysteen saldhigyo waaweyn sida keynta Boni oo la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin Al-Shabaab-ka ugu badan ee weerarada ka geysto gudaha Kenya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker