Xaafadda Gantaalaha Ee Hargeysa Iyo Tuug Guri U Dhacay Oo Ilmo Yar Qaatay

Habeen hore ayaa waxa ka dhacday Magaalada Hargeysa gaar ahaana xaafada Gantaalaha qaybta waqooyi ee Degmadda Ibrahim Koodbuur dhacdo ugub ah oo argagax leh,taas oo tuug guri u dhacday saqdii dhexe ay ku qateen ilmo yar oo shan sanno jir ah.

Gurigan laga xadday inanta yar ayaa ahaa mid jiin-gad ah, kaas oo ay maqas lagu jeexay,kadibna al-baaba la iska furray,isla markaana ay galeen tuugtu qol ay caruurta oo keliya oo ilaa 4 ah jiiftay waxa cajiib inaan caruurtii kale iyo hanti kale toona aan la qaadan,balse la qaatay Mumtaas Maxamed Xasan oo ahayd inan yar oo shan sanno jir ah .

Ehelada qoyskaas oo la hadlay Saab tv ayaa ka warramay dhac-dadaa argagax leh,isla markaana ugub ah “Sandaqadu waa taa waxaynu arki jirnay tuug guri u soo dhaca oo xadda alaab ama lacag, waxa ka duwan ayeynu arragnay oo ah guriga sandaqada ah maqas ayaa lagu gooyey halkaas, raadkii waanu arragnay laba nin ayaa meesha galay .”ayey sheegeen

Waxa ay inaas ku sii dareen “Carruurtii iyo reerkii halkaas ayey wadda hurdeen qolalkii waa la galay qol ay laba carruur ahi hurdeen ayaa mid la qaatay inan yar oo shan jir ah waa la qaatay Mumtaas Maxamed Xasan ,reerkii waxay tooseen markii waagu beryey, waxa la arkay albaabkii oo furran ,markaa waxa loo maleeyey in guriga la xaday,lakiin wey ka weynaatay oo carruurtii ayaa qaar la xadday waa dhacdo aad inoogu cusub ,waana in cid kastaa ka hawlgasho sidii inantaa yare ee la xadday loo soo heli lahaa,Libaax ayaa dadka qaadan jiray maynu arrag tuug guri u soo dhaca oo carruur qaata hadda ka hor.”

Dhanka kalena waxay farriin u direen shacbiga reer Somaliland,waxaanay ka codsadeen inay la galaan baadi doonka inanta yar “Laamaha Dawladda waanu u wadda gudbinay saldhigyadda iyo kantaroolada sawirkeeda waanu geynay ,illaahay waxa aanu ka rejeynaynaa inuu bidh-bidhiyo inantaa yar ,waxaan leehay dad weynaha farriinta aan u farrayo waad arkaysaa sida ay wax u dhacayaan wadda boolis ha la noqdo waa la soo heli karraa ciddii falkaas ku kacday haddii reer Hargeysa iyo shacabka reer Somaliland oo dhammi kacaan .”

Geesta kalena waxa iyana halkaas ka hadashay ayey-deed oo sheegtay sidan:“ Annigu ayeydeed Hooyo ayaan ahay carruurtii waxa uu ugu dul-tegay sariirta waxa aan doonnayaa in la soo qabto wixii inantaa yar xadday ummaddana waxaan ka codsanayaan sawirraanteedii waanu baahinayey in ay nala raadiyaan ilmahaa yar .”

Xaaladdan ayaa walaac weyn ku abuurtay dhammaanba waalidiinta Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo shalay illaa xalay si weyn u hadal hayay fal dambiyeedkan ugubka ku ah dalka oo markii ugu horraysay la arkayo tuug inta uu xaafad u soo dhacay ilmo aad u yar qaatay halka wakhtyadii hore la arki jiray ilmo la waayay ama meel cidlo ah laga kaxaystay balse aanay dhici jirin inta xaafad loo soo dhaco in ilmihii yaraa oo jiifa la qaato.

Shacabka ayaa ciidamada ammaanka ugu baaqay in ay si degdeg ah baadhitaankooda sharciga ugu hor keenaan cid kasta oo falkaasi loo soo qabtay iyaga oo dhinaca kalena dadku xalay isku boorinayay in ubadka la ilaashado habeen iyo maalinba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker