9 Qof Oo Ku Dhaawacmay Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Duleedka Galbeedka Magaalada Hargeysa Iyo Ciidanka Dab-damiska Oo Ka Hawlglalay.

Hargeysa-(OWN)- Ciidanka Dab-damiska Caasimada Hargeysa ayaa Maanta Abaaro 11:30 kii ka Hawlgalay Shil baabuur oo ka dhacay Tuulada Abaarso ee Duleedka Galbeed ee Magaalada Hargeysa.

Shilkan ayaa waxaa ku dhaawacmay 9 Qof, waxaana sababay shilkaas darawalka gaadhiga oo ka leexday Neef Geela oo Waddada Marayay.

Ciidanka Dab-damiska ayaa soo toosiyay gaadhigaa shilka galay, sidoo kalena dhaawacii gaadhsiiyay Magaalada Hargeysa.

Laamaha Amaanka iyo Nabadgelyada Waddooyinka ayaa iyaguna Hawlgalkaa Qayb ka ahaa.

Natiijada sawirka shil gaadhi

Warbaahinta Ciidanka Dab-damiska
Hargeysa/Somaliland
990 Gurmadka Degdega ah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker