Kooxda Liverpool Oo Markii 6aad Ku Guulaysatay Champions league-gga

Kooxda Liverpool ayaa kasoo kabatay guuldarradii xilli ciyaareedkii hore ee Champions League-ga oo ay ka badisay kooxda Real Madrid. Liverpool ayaa koobkan ku guulaysatay markii lixaad kadib markii ay Tottenham uga adkaatay ciyaartii caawa ka dhacday magaalada Madrid.

 

Maxamed Salaax oo xilli ciyaareedkii hore ka dhaawacmay Liverpool ayaa caawa goolkii koowaad oo gool ku laad ahaa u dhalilyey kooxdiisa kaddib markii Moussa Sissoko uu kubadda gacanta ku taabtay.

 

Kooxda Spurs oo heshay fursado badan oo ay gool ku dhalin kareen ayaa waxaa rajadaas beeniyey gool hayaha Liverpool Alisson, kaas oo goolal badan oo ay dhalin lahaayeen ka badbaadiyey Son Heung-min, Lucas Moura iyo Christian Eriksen.

 

Balse waxa ay guuldarradoodu soo baxday kaddib markii Divock Origi oo baddal kusoo galay ciyaarta uu goolkii labaad ka dhaliyey, taas oo u suurto galisay tababare Jurgen Klopp in uu koobkii ugu horreeyey u qaado kooxdiisa Liverpool.

 

Dhiggiisa Tottenham Mauricio Pochettino ayaa ku khamaaray in uu ciyaarsiiyo kabtanka kooxdiisa ee Ingiriiska u dhashay Harry Kane, inkastoo aanu ciyaarin tan iyo bishii April oo uu dhaawacmay, asagoo rubac dhammaadkiina ku baddalay Lucas Moura oo saddex gool u dhaliyey, balse Harry Kane wax saamayn ah ma yeelan ciyaartii caawa.

 

Liverpool ayaa ku guulaysatay koobkaan oo sanadkii hore looga qaaday Ukraine waxayna haatan ku xigtaa kooxaha Real Madrid iyo AC Milan oo horay si taxane ah ugu guulaystay tartankaan, waxaana markii firimbiga la yeeriyey dabbaaldagyo waawayn dhigay ciyaartooyda, maamulka iyo taageerayaasha Liverpool oo damaashaadkaas kusoo bandhigay garoonka Wanda Metropolitano ee Madrid.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker