Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL Oo shir la qaatay garsoorayaasha Maxkamadaha Hoose ee Gobolka Maroodijeex.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Cabdi Qawdhan Cabdi iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf, ayaa shir saacaddo socday la yeeshay garsoorayaasha Maxkamaddaha Hoose ee gobolka Maroodi-jeex.

Ujeeda

da u weyn ee shirka ayaa daarnayd sare u qaadida adeega sharci ee ay garsoorayaashu bulshada u hayaan iyo dadajinta dacwadaha si looga dheeraado in dacwadduhu jiitamaan, sidoo kale waxa shirka lagu lafa-guray anshaxa suuban ee Diinteenu inna fartay ee laga rabo garsooraha iyo kaalinta mudan ee uu bulshada kaga jiro.

Ugu horayn waxa shirka ka hadlay guddoomiyaha Maxkamadda Degmadda Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Cabdi Qawdhan Cabdi waxaanay ka warbixiyeen geedi-socodka shaqada iyo hufnaanta shaqo ee garsoorayaasha, waxaanay xuseen in ay aad u wanaagsan tahay wada-shaqaynta ka dhexeysa. Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye ayaa geestiisa guddoomiyaha warbixin guud oo ku qotanta shaqada garsoorayaasha la waddaagay, waxaanu ku dheeraaday kartida iyo dedaalka ay muujiyeen garsoorayaashu maadaama ay yihiin dabaqa-yaashii sharciga, sidoo kalana waxa uu ku booriyay in ay mar walba taxadar ku jiraan oo ay iska ilaaliyaan wixii kalsoonidooda waxyeelaya.

Ugu danbayn guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa garsoorayaasha uga mahadnaqay shaqada wanaagsan ee ay qaranka u hayaan iyo duruufaha ay ku shaqeeyaan, waxaanu uga digay in ay ku milmaan waxyaabaha sharaftooda dhaawacaya, maadaama garsooruhu bulshada dhex u yahay. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tibaaxay in muddooyinkii u danbeeyay ay Maxkamadda Sare xooga saartay tababarada la xidhiidha Shareecadda Islaamka, waxaanu xusay in ay sii wada doonaan arrintaasi si looga midha-dhaliyo hiigsiga ah garsoore maadi iyo Diiniba ka dhisan. Guddoomiyaha ayaa tibaaxay in ay ka wada hadleen wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Jamhuuriyadda Somaliland sidii loo heli lahaa xeerka Qoysk iyo Rahanta oo baahi wayn loo qabo. Ugu danbayn guddoomiyaha ayaa garsoorayaasha ku guubaabiyay in ay xoojiyaan, awoodooda akhriska iyo qoraalka, si ay dhugmo ugu yeeshaan xukunnada ay soo saarayaan.

Gabagabadii shirku wuxuu ku soo dhammaaday jawi wanaagsan, waxanna la isla qaatay in la dardar galiyo adeega uu garsoorku bulshada u hayo, si hufana loo shaqeeyo iyadoo laga duulayo dhammaan akhlaaqiyaadka wanaagsan ee shaqada.

Wa bilaahi tawfiiq.

Ibraahim Maxamed Cali

Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker