Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya oo dhaawaciisa loo qaaday dalka dibaddiisa

Afhayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macalimuu oo shalay ku dhaawacmay qarax uu fuliyey qof naftii hallige ah ayaa dhaawaciisa loo qaaday dalka dibaddiisa, waxaana ku sagootiyey Garoonka Aaden Cadde xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Mas’uuliyiinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo saxafiyiin Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ballan qaaday in xukuumaddu ay dadaal ku bixin doonto baxnaaninta dhaawaca Afhayeenka oo shalay qof naftii hallige ah la beegsaday Qarax.

Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Liibaan Cabdi Cali oo ka warbixiyey dhaawaca Afhayeenka ayaa sheegay in xaaladdiisu ay soo hagaagayso, haatana loo qaadayo dalka Turkiga si halkaas loogu sameeyo daaweyn dheeraad ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker