Nabad iyo horumar: Laba isku lammaan

” Aragti, Dhiirigelin iyo Ogaal Tebin guud”

Ugu horreyn, nolosha bulshadu waa mid isku tidcan oo isku soohan, sidaa awgeed, waxa jira  waxyaabo  saameyn taban iyo mid togan si guud ugu wada yeesha, tusaale ahaan:

1. Saameyn Toban: Cabsida, is nacaybka, khilaafaadka iyo collaaddaha,

2. Saameynta Togan: Heshiiska, is fahanka iyo wada noolaanshaha ummadda.

Run ahaantii, waxa muhiim ah in la helo deegaan, degsiimo, gobol, qaran iyo guud ahaan dunida oo dhan nabad iyo dad ka fogaada hurinta collaaddaha iyo kicinta qalalaasaha, waayo nabaddu waxay aad muhiim ugu tahay dadweynaha wada dhaqan. Si kooban, nabaddu waxay ilaalisaa, dhawrtaa ama kobcisaa qodobadan soo socda:

▪Koritaanka dhaqaalaha dalka,

▪Nidaamka dhaqan dawladeed ee bulshada,

▪Deganaanshaha siyaasadda,

▪Horumarinta Maalgashiga dalka,

▪Fursadaha Shaqo abuurka dalka,

▪Soo jiidashada Dal-xiiseyaasha,

▪ Iwm.

Sidoo kale, waxa is waydiin leh, waa maxay ahmiyadda Nabaddu?, ” What are advantages of peace?”, hubaashii, nabaddu waxay kobcisaa Hirgalka Hawl-fulinada Dawladda “It could be Improve Based on Government Action”, taasi oo kor u qaadi karta qodobadan hoos ku xusan:

▪ Nidaamka maamul iyo dawladnimo,

▪Ku dhaqanka sharciga,

▪Degenaanshaha xaaladda dhaqan-dhaqaale,

▪xakameynta musuqmaasuqa,

▪Dhawrista Sharafta Iyo xaquuqaha bulshada.

Is waydiin kale ayaa noqon karta Nabaddu Ahmiyadda Ma u Leedahay Nolosha Bulshada? ” Is Peace important in Social life?”,

Jawaabtu waa haa, waayo waa xaqiiq jirta in nabaddu saameyn togan ku leedahay nolosha bulshada wada dhaqan oo ay u abuurto deganaan, horumar, aqoon, karti, wada noolaansho iyo xaddaarad ummaddeed. Iyada oo kor u qaadda dareenka iyo aragtida qofka iyo bulshada.

Ugu danbeyntii, bulshada Jamhuuriyadda Somaliland waa u muhiim nabaddu, waayo, waa tiirka ugu wayn ee waraabiya wadajirka, midnimada, koboca tacliinta, horumarka dhaqaalaha, nidaamka dawladnimo iyo dhawrsanaanta sharafta iyo xaquuqda aasaasiga ah ee qofka iyo bulshada.

Allaa Mahad leh,

Wada Socod Wacan.

Jamal A. Muse

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker