Daladda SONSAF oo Guul Taariikhi ah ku tilmaamay Hannaanka ay ku soo gebo-gaboobeen Doorashooyinkii ka Qabsoomay Somaliland

Hargeysa (OWN)- Dallada ay ku bahoobeen Ururrada Bulshada rayidka ah ee Somaliland (SONSAF) oo maalintii shalay Magaalada Hargeysa ku yeeshay, ayaa hambalyeeyey Doorashadii shir-guddoonka golaha Wakiillada cusub oo Salaasadii shalay dhacday iyo guud ahaan hanaankii ay ku soo dhamaadeen howlaha Doorashooyinkii Isku sidkanaa ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada.

Dallada SONSAF, waxa ay sheegeen inay Somaliland ka qabsoomeen Doorashooyin taariikhi ah oo turjumaad mugle ka bixiyey nidaamka Dawlad-wanaagga iyo dimuquraadiyada ee ka hana qaaday Dalka.

Guddoomiyaha Dallada SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa faahfaahin ka bixiyey mowqifka ururrada aan dawliga ahayn ee ku wajahan sooyaalkii howlaha Doorashada ee soo gabagaboobay iyo casharada laga baran karo.

“Doorashadii isku sidkanayd ee Qaranka Somaliland ka dhacday 31 May ee soo gabagabowday 3-dii August 2021, waxa ay runtii ahayd mid doorasho u dhacday si dimuquraadi ah oo la waafajiyey nidaamkii dimuquraadiyaddeed ee ay Jamhuuriyadda Somaliland qaadatay.

Taasoo ay ka turjumayso in ilaa maalintii codbixinta loo dareeray, ilaa maalintii Maxkamadda sare ku dhawaaqday ilaa maalintii shir-guddoonka la doortay shalay (Doraad) inay dhamaanteed u dhacaysay hab dimuquraadi ah,” ayuu yidhi Guddoomiye Anwar.

Guddoomiyuhu waxa uu hambalyo u diray Shirguddoonka cusub ee Golaha Wakiillada, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, xildhibaanadii lagaga guulaystay doorashada Shirguddoonka iyo guud ahaan qaranka, waxaanu sidoo kale bogaadiyey nidaamkii isu-tanaasulka iyo suluxa ahaa ee lagaga soo gudbay caqabadaha sharci iyo muranadii siyaasaddeed ee Doorashada ku lug lahaa.

“Waxaan hambalyeynaynaa nidaamkaa wanaagsan ee Doorashadu u dhacday, mar labaadka waxa aan hambalyeynaynaa shir-guddoonka cusub ee loo doortay golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Siciid Mire Faarax iyo Cali Xaamud Jibriil.

Waxa kale oo aan hambalyeynaynaa saddexdii murrashax ee lagaga guulaystay doorashada Shirguddoonka ee aqbalay natiijadii codaynta Doorashada shirguddoonka Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax iyo Cabdinaasir Yuusuf Cismaan.

Waxa kale oo aan hambalyeynaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse biixi Cabdi oo aqbalay natiijadii Doorashada Shirguddoonka, waxa kale guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama ay arrintani tahay guul u soo hooyatay Qaranka Somaliland, maadaama ay tahay guul ay gaadheen qaranka Somaliland.” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha SONSAF.

Isagoo hadalka sii wata waxa uu sharaxaad ka bixiyey habka isu-tanaasulka ee Somaliland ku caano maashay, “Somaliland waxa ay adduunyada inteeda kale dheertahay waxa loo yaqaano isu tanaasulka, taasoo runtii marar badan marka ay dhacdo in marka muran siyaasaddeed yimaado amma sharciga laysku qabto in mar walba xalka lagu dayo in laysu tanaasulo, isla mar ahaantaana laysu jiidjiido dhinacyada is haya, shalayna (Doraad) arrintii ka dhacday Golaha Wakiilladu waxay ahayd bisayl siyaasaddeed”

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Dallada SONSAF, waxa uu Mudaneyaasha golaha Wakiillada ee cusub farta ugu fiiqay baaxada howsha sugaysa iyo xeerarka muhiimka ah ee qaranku u dabran yahay. “xeerrar badan oo la taaban karo oo bulshada Somaliland u baahan tahay ayaa halkoodii aan laga dhaqaajin, waxa kamida xeerkii Baananka, Xeerkii Saxaafadda iyo xeerkii Kufsiga,sidaas awgeed xildhibaanada cusub ee golaha Wakiillada waxa horyaalla howl aad iyo aad u balaadhan,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha dalladda SONSAF.

Oodweyne News

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker