“Waxaan Taageere Adag U Ahay Aqoonsiga Somaliland…” Ra’ila Odinga Oo Ah Saaxiib Ay Somaliland

Ra’ila Odinga, oo u tartamaya madaxtooyada Kenya, ayaa 2016kii ka sheegay Chatham House inuu taageerayo in Somaliland la aqoonsado.

“Waxaan taageere adag u ahay aqoonsiga Somaliland. Sidaas baan idhi aniga oo aan cabsi qabin ama aan isburinayn. Waxaan ka mid ahay hoggaamiyeyaashii ugu horreeyey oo booqday Somaliland markii saaxiibkey Maxamed Ibraahim Cigaal noolaa” ayuu Odinga yidhi.

Xidhiidhka u dhexeeyay Odinga iyo Cigaal waxaa wax ka qoray Wasiirkii hore ee Arrimmaha Dibedda Somaliland Maxamed Siciid Gees. Gees, oo ka sheekeynayay booqasho uu Cigaal sagaashameeyadii ku tagay Kenya, ayaa tibaaxay in Odinga uu si wanaagsan u soo dhoweeyey wafdigii Cigaal.

“Waxaan dhacdadaas soo xasuustay mar Madaxweyne Cigaal uu Golaha Wasiirrada kaga warramay ku-dhaqanka hawl-fududayntu halka ay ka gaadhay dalka Kenya. Waxa uu sheegay inuu warqad u dhiibay Ralia Odinga si uu u gaadhsiiyo Madaxweyne [Daniel] Arab Moi. Ralia Odinga ayaa warqaddii gaadhsiiyey Madaxweyne Arab Moi, dabeeto markiiba Hargeysa ayuu u soo duulay. Wuxuu Madaxweyne Cigaal yidhi, “Waakaas oo durba waxa uu doonayaa khidmadii, horena Ambaasadoor Cawil Xaaji Cali Ducaale oo markaas ahaa Wakiilka Somaliland ee Kenya ayaan wax ugu dhiibay.” Waqtigaas Ralia Odinga xil ma hayn, mar dambe ayuu xil qabtay oo Wasiirka Koobaad ka noqday dalkaas” ayuu Gees ku qoray xasuusqorkiisii.

Ra’ila Odinga oo ah saaxiib ay Somaliland leedahay ayaa la filayaa in sannadkan madaxweyne ka noqdo dalka Kenya

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker