Wararkii ugu dambeeyay ee la haystaasha lagu haystay Gaza ee la sii dayay

24 la haystayaal ah oo Qaza lagu haystay ayaa la sii daayay – waxaana la qabtay intii lagu jiray weerarradii 7-dii Oktoobar ee Israa’iil.

Saddex iyo toban qof oo la haystayaal ah – oo dhammaantood dumar iyo carruur ah – ayaa la sii daayay taas oo qayb ka ahayd heshiis dhexmaray Israa’iil iyo Xamaas.

Dhanka kale, 10 la hayste oo u dhashay dalka Thailand iyo hal qof oo Filibiin ayaa la sii daayay, iyadoo heshiiskan uu qeyb ka yahay heshiis gaar ah oo dhexmaray Xamaas iyo dowladda Masar. Sida ku cad shuruudaha xabbad-joojinta ku-meel-gaarka ah ee Israel iyo Hamas, wadar ahaan 50 la haystayaal ah ayaa la sii dayn doonaa muddada afarta maalmood ah ee dagalka hakad ku jira oo bilaabaatay 24kii Noofambar 07:00 (05:00 GMT).

Xamaas ayaa sheegtay in 150 haween iyo dhalinyaro falastiiniyiin ah laga sii dayn doono jeelasha Israa’iil sida uu dhigayo heshiiska, boqolaal baabur xamuul ah oo isugu jira gargaar bini’aadantinimo, sahay caafimaad iyo shidaal ayaa loo ogolaan doonaa in ay galaan Gaza.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker