Sudan oo uu wali ka maqan yahay Khadka Internet-ka

Dalka Sudan, ayaa inta badan waxaa ka maqan khadka internet-ka, iyadoo dadka heli karaya ay gaarayaan 2%,” sidaasi waxaa sheegay maanta oo Isniin ah kormeeraha amniga internetka.

Wuxuu soo xigtay eedeymaha militariga, oo ku eedeeyey ciidamada la yiraahdo (RSF) inay waxyeeleeyeen isgaarsiinta caasimadda magaalada Khartoum horaantii Isniintii, taasoo saameyn ku yeelatay shabakadaha dalka.

Dadka deggan Khartoum, si kastaba ha ahaatee, ayaa waxay sheegeen in khadadka taleefanada ay weli yihiin kuwo shaqeynaya.

Shabakad rayid ah oo inta badan laga soo abaabulay Twitter-ka, ayaa dadweynaha siinayay wararka ku saabsan dagaalka, gaar ahaan talooyinka gargaarka la heli karo, iyo waddooyinka badbaadada leh.

Dagaalada ka socda Sudan, ayaa sababay in dalal dhowr ah ay ka daad gureeyaan dalkani diblumaasiyiintooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker