Muslimiinta Kenya oo salaadda ciidda ku oogey fagaare ku yaaal Nairobi

Kumannaan Muslimiin ah ayaa fagaare ku yaaal Nairobi saaka ku tukadey salaadda ciidda, kja dib markii ay soo guteen waajibaadka bisha Ramadaan oo shalay ku ekeyd.

Dadweynahan oo ku ciidey fagaaraha Sir Cali Club, ayaa waxaa si weyn uga dhex muuqdey madaxda Soomaalida ah ee ku jira dowladda Kenya, sida Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale iyo Xildhibaanka degmada Kamakunji Yuusuf Xasan.

Jidadka waa weyn ee magalaaa Nsairobi ayaa lagu arkayey dad isugu jira rag, dumar iyo carruur si qurxoon u soo labistey oo ku sii qulqulaya goobo loo cayimay in salaadda ciidda lagu oogo.

Dalka Kenya oo Ciidul Fitrigu ka tahay maalin fasax ah ayaa sannadkan hal mar laga wada ciidey, halka sannadihii hore la kala ciidi jirey.

Kenya
Kenya
Kenya
Kenya
Kenya
Kenya

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker