Dowladda Soomaaliya Oo War Kasoo Saartay Xidhiidhka Somaliland Iyo Taiwan

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay tallaabooyinka ay qaadeyso Taiwan, oo ay dowladdu ku sheegtay inay yihiin kuwa ka hor imaanaya madax bannaanida Soomaaliya iyo shuruucda caalamiga ah.

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu yidhi, “dowladda federaalka ah ee Soomaalya waxay cambaareyneysa isku dayada masuuliyad darrada ah ee Taiwan ay ugu xad-gudbeyso madax bannanida jamhuuriyda federaalka ah ee Sooomaaliya iyo ku xad-gudbida sharafka dhuleed.”

Warka ayaa lagu sheegey in dowladda Soomaaliya ay qaadeyso tallaabo kaste oo ka mid ah qaanuunka caalamiga ah oo ay ku difaaceyso midnimada dalka, madax bannaaninda, sharafka dhuleed iyo madax bannaanidiisa siyaasadeed.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Taiwan ay sheegtey in xafiis siyaasadeed ay ka furatay caasimadda Hargeysa ee Somaliland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker