Colaadda Suudaan: Ayeydeey keligeed ayay geeriyootay, xitaa ma aasi karo

Azhar Sholgami, ayaa waxay isku dayaysaa inay aasto ayeeydeed. Haweeney dada ahayd, ayaa dhimatay maalmo kahor, iyadoo aan la garaneyn xiliga dhabta ah ee ay geeriyootay.

Keligeed ayey geeriyootay, iyadoo ku go’doonsan gurigeeda oo ku yaalla magaalada Khartoum, taasoo uu ka socdo dagaal ba’an oo u dhaxeeya labada Jeneraal ee dagaalka ka wada Suudaan.

Azhar, ayaa waxay ka daawanaysay magaalada New York, iyada oo si quus ah isku dayaysa in ay badbaadiso ayeeydeed.

Haatan, waxay ku dadaalaysaa sidii ay uga soo kaban lahayd dhibaatadii gaartay jirkeeda.

Arrintan kuma koona haweeneydan oo kaliya. Dagaallada xooggan, ayaa ka dhigay mid halis ah in meydadka la isugu keeno qeybo ka mid ah caasimadda dalka Suudaan.

Heshiiskii bini’aadantinimo ee labada dhinac ee ku dagaalamaya ay ku gaareen magaalada Jiddah Jimcihii, ayaa si gaar ah u go’aamiyay in shaqaalaha gargaarka loo fasaxo uruurinta, diiwaan gelinta iyo aaska dadkii ku dhintay dagaalka.

“Waxaan sii wadnaa inaan qaadno meydadka waddooyinka yaalla, iyo caawinta isbitaallada aan adeegga lahayn,” ayuu yiri Patrick Youssef, oo ah aggaasimaha Gobolka Afrika ee Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas.

“Waxaan rajeynayaa in ku dhawaaqista cusub ee heshiiska oggolaanshaha dhaq dhaqaaqa arrimaha bani’aadamnimada ay si dhab ah uga hirgali karto waddooyinka.”

Ilaa hadda ma suura galin arrintani, sababtoo ah dhinacyada dagaalamaya wali ma xaqiijiyaan heshiis dhab ah oo ay saxiixeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker