MASHQACII HADHUUDHKA

Marka aaynu dib u milicsano qudbadii uu Madaxweyne M.Bixii madasha ka jeediyey iyo qodobadan
Warbaahinta la soo dhigay waxaan u arkaa in ay yihiin qodobadani mashqacii hadhuudha lagu eegy
Jiray oo la eegaayo sida dadweyna S/Land uga fal celiyaan si ka bacdi loo meel mariyo qorshihii Dr. Abi Ahmed iyo Yamamoto. Ma filaayo in Dr. Adna Adam Ismail loosoo dhigayo arintaa amma ay maqlikarto.
Hadaba ila eega qodobada ku soo baxay Hadhwanaag June 17/2020 oo ah kuwa hoos ku xusan:

Qodobada laga wada hadlay ayaa waxa ka mid ahaa.

1. Wararka laga helayo shirka ayaa sheegaya in labada dhinacba ay ogolaadaan in la furo isku socodka gaar ahaana kan siyaasiyiinta iyada oo la ogolaanayo in masuuliyiinta xilalka ka haya labada dhinacba ay isku talaabi karaan.

2. labada guddi ayaa isku raacay inay si wadda jir ah uga shaqeeyaan hanaanka deyn cafinta isla markaana ay xidhiidh toos ah wada yeeshaan wasiirada maaliyada ee soomaaliya iyo soomaliland.

3. labada guddi ayaa isku raacay in magaalada Hargeysa xarun u noqoto maamulka hawada Soomaaliya, qodobkaas oo ka mid ahaa heshiisyadii hore loo gaadhay balse aan fulin, waxaana laysku afgartay in wakhti kooban lagu hirgeliyo.

4. labada guddi ayaa isku afgartay in kaalmo dhaqaale oo dheeraad ah ay hesho somaliland kuwaas oo ay ku jiraan maalgashiyada waa weyn ee dawlada federaalka ahi saxeexdo.

5- Deeqaha waxbarashada iyo nooc kasta oo ay ku jiraan kuwa Milateri, laguna helo magaca Soomaaliya in somaliland ay qaybteeda hesho ayaa layska raacay, iyada oo la siinayo kooto gaar loogu tala galo taas oo guddi gaar ahi cayimi doonaan.

Waxaan u arkaa sheeko yar oo gaaban oo aan sal iyo raadtoona lahayn kuna salaysan ku day lagu
yool baadhayo dadweynaha S/Land.

 

 

Allah Mahadleh
Ahmed Huri

ahmedhuri@ymail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker