Madaxweyne Ku Xigeenadii Hore Ee Somaliland Oo Erego Ka Dhex Bilaabay Madaxweyne Biixi Iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaridka.

Hargaysa-(OWN)-Madaxweyne ku xigeenadii hore ee somaliland oo kala ah Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Xasan Ciise Jaamac iyo Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa hogaaminaya dedaalo la doonayo in layskugu soo dhaweeyo mucaaridka iyo muxaafidka oo ku kala fogaaday arimaha dib u dhaca doorashada.

Wararka ayaa sheegaya  in madaxweyne ku xigeenadii hore ee somaliland oo is xilqaamay ay go’aansadeen inay dhex galaan mucaaridka iyo muxaafidka isla markaana xal u raadiyaan waxyaabaha ay isku khilaafsan yihiin.

Madaxweyne ku xigeenadii hore ayaa waxaa ay maalintii Axadii  ay la kulmeen madaxweynaha Somaliland isla markaana ay kala hadlen tabashada ay xisbiyada mucaaridku ka qabaan kominshanka doorashooyinka .

Ma cada ilaa hada go,aanka uu madaxweynuhu ka qaatey arimaha ay hor dhigeen madaxweyne ku xigeenadu balse warar hoose  ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu ku adkeystay go,aankiisii hore ee ahaa in aan kominshanka la kala dirin .

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenadii hore ee somaliland   ayaa waxaa ay labadi maalmood ee ka danbeeyey Axadii ay kulamo la yeesheen madaxda xisbiyada Mucaaridka ee Waddani iyo UCID kuwaas oo la sheegay inay iyaguna gacanta ka sareen go,aankoodii hore ay ka qaateen Kominshanka doorashooyinka , isla  markaana ay u cadeyeen in aaney marnaba aqbali doonin in  cabashadooda la dhegaysan waayo

Ilaa hada ma cada  sida   uu xalku noqon doono balse waxaa ilaa hada muuqata in madaxweynaha iyo xisbiyada mucaaridku aaney wax xal ah ama is afgarad ah ka gaadhin arinta Kominshanka doorashoyinka oo ay meel kala fog ka kala taagan yahiin

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker