Xulka Qaranka Brazil Oo U Gudubay Wareega Siddeeda Ee Koobka Aduunka

Xulka Brazil ayaa gaadhay wareega sideeda ee Koobka Aduunka kadib marki 2-0 uga badiyeen xulka qaranka ee Mexico, ciyaar ka dhacday garoonka Samara Arena ee magaalada Samara.

Naymar oo u dabaaldagaya goolki uu ka dhaliyay Mexico

Guusha ay gaadhay Brazil oo aheyd mid ay u qalantay waxaa door weyn ka ciyaaray xidigooda Naymar oo dhaliyay goolka koowaad daqiiqadii 51-aad, goolka labaadna wuxuu ahaa mid uu baasay isla Naymar, balse uu shabaqada ku hubsaday daqiiqadii 88-aad ciyaaryahan Firmino oo dhamaadki ciyaarta baddal kusoo galay.

Waa marki todobaad oo ay Mexico ku dhacdo in ay u gudubto wareega sideeda koox ee ciyaaraha aduunka. Halka Brazil ay taasi caksigeeda markeedii todobaad oo xiriir ah ay u gudbeyso wareega sideeda ee tartanka Koobka Aduunka.

Brazil waxay la ciyaari doontaa ciyaarteeda soo socota mid ka mid ah xulalka Belgium iyo Japan.

Kulanka soo socda Brazil waxaa ka maqnaan doona laacibkooda khadka dhexe Casemiro kaas oo hadda qaba laba jaalle. Waxaa sidoo kale aanan la hubin inuu ciyaari doono iyo in kale laacika difaaca ka ciyaara ee Marcelo.

Marcelo ayaa ku dhaawacmay kulanki ay Brazil la ciyaareen Serbia inti lagu guda jiray is-reeb-reebki Group-yada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker