ila muran
ila muran
Keene iyo kordhiye
Keene. Waaryaa kordhiye saaxiib waxa aan ku weydiiyay
Qoladii xukunka boobtay arrinkoodi iyo wax qabad koodi
Waxay noqdeen ila muran iyo inay shacabkii uun la tirsadaan
Kordhiye. Saaxiib waxa ka daran waxa jirta wasaarad aan
Dawladaha kale la hayn oo maga ceeda la yidhaaho
Wasaaradda ujawaabista ciddii xukuumadda dhaliil usoo jeedisa
Sax iyo khalad kay doonto ha ahaato.
Waxa kaloo ka sii daran qofka meel masuul looga dhigo waxa
Shuruud lagaga dhigaa inuu ujawaabo haddii reerkiisu xukuumadda
Dhaliilo yacnii iskusoo wada duuboo waxani wax loo adkaysan karo
Maaha shacabku inay toosaan aya ubaahanyiin
Waxan lagu ciyaarayaa waa mustaqbalkoodii iyo kii qaranka
S/LAAN waar indhaha kala qaada oo dadkan jaahiliinta ah
Iska qabta oo maya dhaha.
Guuleed liibaan snm1710@livecom