WAXAN UGU DEEQAY GAROONKA KUBADDA CAGTA EE CEELAFWEYN .. ROOG CAGAARAN.. PROF M. AHMED (JAAFAA)

Markaan arkay Madaxweynahayga Mudane Muuse Biixi Cabdi, markaan arkay golihiisa wasiiradda iyo la taliyaashiisa,  markan arkey Hay’adaha amaanka, markaan arkey Xaaladda nabadeynta ee degmada Ceelafweyn, markaan arkay Leydhka nabadda, markaan arkey quruxda shacabka khaasatan dhalinyarada iyo waayeelkaba ee Degmada Ceelafweyn; waxaa dareenkeygu i siiyey inaan kaalinteyda ka qaato oo ugu deeqo ROOG CAGAARAN, garoonka kubadda cagta ee Ceelafweyn. 
 
Raga aqoonta leh ee hogaamiya caalamku, waa sheegeen waxayna saadaaliyeen in mudo yar Somaliland noqon doonto dal loo soo shaqo doonan doono, majarahana u qabanayso, siyaasad iyo xag dhaqaalaba geeska Afrika.
 
Waxaad fahantaan dhalinyarooy waqtigeynu soo marney, halka aynu taagan yahay, waxa ina sugaya, Hadaba, hadaad intaa fahantiin, waxa indhihiinu arkayaan caalamku aragtida leynagu xanto ee ah, guusha NABADA  IYO BARWAAQADA.
 
PROF. MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker