Baaqii shirkii qurba joogta ciise muse ee kulan global 4…..december 28 and 29..2019 in London

Anagoo ah Gudida Guud ee Qurba joogta beelwaynta Ciise Muse ee magacoodu yahay Kulan Global, oo uu mudo laba maalmood ah shir uga socday magalada London,aa Cariga Ingiriiska, Shirkaas oo dhacay Bishan December 28 and 29 keedii, sanadka 2019. Qurba Joogta beeshu waxay ka soo sareen qodobadan hoos ku qoran.

⦁ Beelweynta ciise muse oo ka mid ah beelaha ugu balaadhan dalka JSL, degeana afarta gobo lee kala ah Daadmadheedh, Togdheer, Saaxil iyo Maroodi jeex. Kaalin mug lehna ka soo qaatay halgankii dalkan lagu xoreeyey, isla markaana hormuud u ahayd sal u dhigid iyo dhidibo u taagistay haykalka dowladnimo ee dalkan JSL iyada oo aaminsan in jiritaanka qoranimada JSL yahay lama taabtaan.

⦁ Qurba joogta Beeshu waxay sii adkaynaysaa derisnimo wanaaga iyo nabad kuwada noolaanshaha beelaha ay walaalaha iyo deris wadaagta yihiin gaar ahaan iyo guud ahaan bulshawaynta ku dhaqan JSL. Iyada oo beelaha colaadu dhex yaalaana ugu baaqaysa inay ka waantoobaan colaad soo noqnoqotay.

⦁ Qurba joogta Beeshu waxay si taxader leh u soo dhaweynaysaa dhamaan maalgashiga gudaha iyo dibadba ka imanaya ee mashaariicda horumarineed ee laga hirgelinayo dhamaan deegaanada ay beeshu degto, iyada oo beeshu jecel in dalku ku talaabsado horumar baaxad leh oo waxtar mug leh u yeesha dhamaan bulshawaynta dalkan u dhalatay.
⦁ Qurba joogta Beeshu waxay go’aansatay in si wadajir ah looga wada hawlgalo horumarinta iyo kor u qaadista tayada arrimaha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, korontada, biyaha, wadooyinka iwm. Iyada oo lala kaashanaayo dawlada jirta.

⦁ Qurba joogta Beeshu waxay go’aansatay in kor loo qaado wada shaqaynta iyo xidhiidhka gudiyada gudaha wadankii iyo dibada, lana dardargaliyo qorshaynta, hirgalinta iyo dhamaystirka mashaariicda horumarineed ee laga hirgelin doono dhamaan deegaanada beeshu degto.

⦁ Shaqo galinta dhalinyarada beesha u dhalatay ee baratay xirfadaha kala duwan iyadoo gudiyada beesha ( gudo iyo dibadba ) lagu boorinaayo inay arrinkaas dhakho uga hawlgalaan .

⦁ In dawlada lagu taageero layskuna garab taago waxkasta oo horumar ah oo ay dalka ka hirgalinayso

⦁ SHIRWAYNUHU WUXUU ICLAAMIYAY IN LA QABTO SHIR AH WADANKA GUDIHIISA SANADKAN 2020.

ALLAA MOHAD LEH
GUUL IYO GOBANOMO
GUDIDA GUUD EE QURBAJOOTA CIISE MUSE
KULAN GLOBAL

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker