Dowladda Somaliya oo sheegtay inay dishay in kabadan 20 xubnood oo al-shabaab ka tirsan
In ka badan labaatan xubnood oo ka tirsan ururka al-shabaab ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo ay si wadajir ah ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen deegaanka Cali Fuuto oo qiyaastii 35 KM u jira degmada Kuntuwaaray ee gobalka Shabeellaha Hoose, sida laga soo xigtay telefishanka qaranka dalka.
Howlgalkaan ayaa la sheegay inuu dhacay xalay abaaro saddexdii habeenimo, waxaana lagu bartilmaamedsaday laba guri oo ay al-shabaab ku diyaarinayeen maleeshiyaad iyo walxaha qarxa, waxaana sidookale la sheegay in howlgalkaas lagu burburiyey guryihii ururkaas fariisinka u ahaa iyo wixii saanad ciidan ahaa ee halkaas ay ku diyaarinayeen.
Madaxweynha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan magaalada Dhuusamreeb, halkaas oo ay ka socdaan howgalka wejiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah al-shabaab