Ethiopia oo Ciidamo kala Baxday Somalia si ay ugu Diyaar garawdo Dagaal ka Dhexqarxa Masar

Muqdisho (OWN) – Qaar ka mid ah ciidamada milatariga dalka Itoobiya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ayaa iskaga baxa gudaha dalka, kadib markii ay dhameysteen muddo howleedkooda Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

 

Ciidamada dib ugu laabtay dalka Itoobiya ayaa munaasabad soo dhoweyn ah loogu sameeyey gobolka Liibaan ee dowlad deegaanka Soomaalida, iyadoona lagu xareeyey xero ciidan oo ay wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya ay ku leedahay halkaasi.

 

 

Sidoo kale guutadaan ka baxday Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabaa Qilfat, waxaana ay ka howlgaleysay gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

 

 

Ciidamadan ayaa safar dhulka ah uga baxay Koonfur Galbeed, iyaga oo ku gaaray gaaray dalka Itoobiya, gaar ahaan xeryaha loogu talagalay.

 

 

Itoobiyaha ayaa qeyb ka ah dalalka ay ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wada gobollada Gedo, Hiiraan, Baay iyo Bakool.

Sanad kasta ayaa waxaa badal lagu sameeyaa askarta Midowga Afrika ee xiran koofida cagaaran ee muujineysa in ay u diiwaangashan yihiin howl-galka AMISOM Soomaaliya.

 

 

Balse Tallaabadan ayaa Loo Malaynayaa inay Dawlada Ethiopia Rabto inay Ugu Diyaar Garawdo Dagaalka laga Yaabo inuu dhawaan ka dhex qarxo iyada iyo Dawlada Masar ee ay ku Muransan yihiin Biyo-xidheenka Abbaay 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker