“Waxa loo baahan yahay in xilligan la joogo oo ay dad badan oo ajanabi ahi ku nool yihiin magaalooyinka waa weyn ee dalka in wax laga ogaado …”

Xafiisyo cusub oo lagula soconayo xaaladda dadka Ajanabiga ah ee ku nool gudaha dalka Somaliland, sababo la xidhiidha ammaanka awgeed ayaa laga furay guud ahaan Degmooyinka ay kooban tahay Caasimada Dalka Somaliland ee Hargeysa.

 

Xafiisyadan oo tiradoodu tahay sideed ayaa ujeedada loo furay tahay la sheegay inay la xidhiidho ammaanka dalka.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Sareeye Guutto Maxamed Cismaan Caalin (Dayib), ayaa markii ugu horreysay ka warramay xaaladda dadka ajanabiga ah ee gudaha dalka Somaliland ku nool iyo saamaynta ay ku yeelan karaan amniga, iyo qorshaha cusub ee ay haatan ku wajahayaan, waxaanu yidhi “Waxa loo baahan yahay in xilligan la joogo oo ay dad badan oo ajanabi ahi ku nool yihiin magaalooyinka waa weyn ee dalka in wax laga ogaado dhinaca amniga, joogitaankooda iyo halka ay ku nool yihiin, iyo xaaladoodu siday tahay, taasoo loo baahday, dabadeedna waxaanu ka furnay Caasimada Hargeysa sideeda degmo ee ay ka kooban tahay sideed xafiis oo ay ka hawlgalaan hawlwadeeno Socdaal oo Masuuliyiintii hoggaaminaysay iyo ciidankoodii la socdaan, hawshaasina waanu qabanay”. Taliyuhu waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Waxa kale oo aanu samaynay hawlgalo siyaado ah oo dadka ajanabiga ah iyo goobaha ay joogaan sidii aanu u ogaan laheyn”.

 

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland waxa kale oo uu ka digay in shaqada ay muwaadiniintu xaqa u leeyihiin inay ka bara saaraan dadka ajanabiga ahi, “Waxaynu u baahanahay in qofka muwaadinka ah ee shaqada aan hayn in loo ilaaliyo shaqada uu u baahanyahay ee uu xaqa u leeyahay oo aanu qof muwaadin ahi sababin inuu keeno dad ajanabi ah oo shaqada ka bara saara muwaadiniinta”.

 

Sidoo kalena, Taliyuhu waxa uu farriin codsi ah uu u diray bulshada, “Dadka fiisooyinka keena iyo guud ahaan bulshada waxaan ka codsan lahaa inay laanta socdaalka gacan ku siiyaan waajibaadka iyo hawlaha Qaranka u xil saaran yihiin”.

 

Ugu dambayntiina, Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland, waxa uu faahfaahin ka bixiyey waajibaadka laanta Socdaalka Somaliland, “Ciidanka Socdaalku wuxuu Qaranka masuul uga yahay inuu hubiyo dadka ka soo gelaya irridaha laga soo galo dalka sida Madaarada, Dekedaha, iyo Xuduudaha aynu la leenahay dalalka aynu jaarka nahay, waxa kale oo ay masuul uga yihiin inay soo saaraan Baasaboorada Somaliland oo ay siiyaan muwaadiniinta Reer Somaliland ee u baahan, waxa kale oo ay masuul uga yihiin dadka ajanabiga ah ee u baahan inay yimaadaan dalkeena inay Fiisooyin siiyaan muddo gaaban/dheer”. Ayuu yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Sareeye Guutto

Maxamed Cismaan Caalin (Dayib)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker