Naasir Cali Shire & gudida Dabagalka hantida Baarlamaanku, Beenta ay Shacabka u sheegayaan, Tuugii ugu weynaa ee Siilaanyo ee Wadanka wada xaraashay Hargeysa kumuu soo noqdeen ee Jeelka ayuu ku jiri laha & Sacad & moorgan & Muhnad & samsam.

shacabka Somaliland been & Riwaayad uu Siilaanyo Xaraashe & Aamina Weris ay u soo dhigaan, ooy daawadaan kama
daalaan, Gudida Dabagalka & musuqa ee Naasir Cali Shire hogaaminayaana Riwaayad cusub ayey soo alifeen oo ah
dabagalka Musuqa Hantida Umada, Xaaraan Cunayaashu ma xushadaan, ma khajilaan Baarlamaanku iyagaa qaatey
wadanka badhkooda & xaqul-qalinkaba, Imikana wixii Siilaanyo tuug dhacay ayey ku sheegeen, garoomo Ciyaareed
Roog laga dhacay & Jeelal, waa sax oo inta yarna la soo qabto, ee talaw yaa soo xidhi ee ku maxkamadeyn doona?.
Bal u fiirso, Hanti-Dhawraha la shaqaynayaa waa tuugii dhacay Dekeda Berbera, Xeer Ilaaliyaha  & Gudoomiyaha
Maxkamada Umadu wey og tahay oo Xukuumadiihii Kulmiye ayuu la shaqeeyaa.
Sidaas Darteed, Naasir Cali Shire & siilaanyo & aamina Weris & Xukuumadan Muuse waa Ilka abeeso oo hoosta ayey
ka xidhiidhsan yihiin, hasoo dacweeyo Siilaanyo ayaa wadanka dhacay oo xaraashay, oo Hargeysa dhex taxtaaxashaya,
ha soo xidho Moorgan, Muhanad & walaalkiisa Dalkii wada iibiyey ee Sacad Cali ee uu ka meeraysanayo, hasoo
xidho Habrihii wadanka boobey ee Aamina weris & samsam heerya xun, hasoo xidho uhnad, Moorgan & Cali Mareexaan.
shicibka Somaliland ee baanta ay u soo meteleen, Golihii mooshin Quutayaalka ee Baarlamaanka wey og yihiin wax ka
soconaya inaanay jirin, cid loo xidhayaa jirin, cid loo maxkamadaynayaa jirin ee halkaa ku damaanayso, shaqadha uu
Naasir Cali shire Umada la hor yimid.
Shicibku Siilaanyo oo Wadankii xaraashay, Muhnad oo Airportyo, Deked, Biyihii Xumbo weyne, tii Abaaraha tu kasta
cuney, Moorgan & sacad oo wadankii iibiyey oo shirkado gaara u samaystey inay dhacaan Wadanka, Habrihii kala
heeryada xumaa ee Aamina weris & samsam oo sunaha u xiirtey xaaraanta, Ilaahay ayey ku daayeen, oo aduun & aakhiraba
ku dacweeyeen, taasanaa ciqaabteeda & Maxkamadii laahay lagaga jari, Nin Agoon ku xadey Qalin khayr kama macaasho
Wakjtiga ay ku qaraxda qaaxo kama fogaate, ee Naasir Cali shire Umadu wey ku og tahay ee Riwaayadaada iska wado.
shicibkuse Baarlamaan ay hore uuga quusteen, kama sugayaan Siilaanyo Xaraashe ee Diiratadii Kulmiye inay soo qabtaan.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker