Dal Afrikaan ah oo wasiirkeeda difaaca la cunaqabateeyay sababo la xidhiidha Wagner

Raiisel wasaaraha Mali Choguel Kokalla Maïga ayaa dhaleeceeyay cunaqabateynta Mareykanka uu saaray wasiirka gaashaandhigga, taliyaha ciidamada cirka iyo ku xigeenkiisa oo uu ku tilmaamay “mid xaqiiqada dadka kaleexinesya ” wuxuuna ballan qaaday “taageeradiisa guud” ee saraakiisha ciidamada militariga.

“Cunaqabateynta saaran saraakiisheenna geesiyaasha ah, Wasiirka Gaashaandhigga Col Sadio Camara, Gen Alou Boi Diarra, Col Adama Bagayoko, ma laha ujeeddooyin aan ka ahayn in lagu mashquuliyo dadka Mali. Ma jiraan wax naga mashquulin doona shaqada dib u dhiska Mali,” ayuu Mr Maiga ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Wasaaradda maaliyadda Maraykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay saddexdan qof kadib markii lagu eedeeyay “fududeynta” isballaarinta Kooxda Wagner ee Ruushka ee Mali.

Ciidamada Wagner iyo ciidamada Maali ee dagaalka kula jira mujaahidiinta lagu eedeeyay in ay gabood falyo geysteen Mali , iyadoo Mareykanka uu sheegay in khasaaraha dadka rayidka ah uu saddex jibaarmay tan iyo markii ay howlgalladaasi ka qeyb galeen dabayaaqadii 2021-ka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker