Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Ka Damqaday Xaaladda Muqdisho ka taagan

“Dhiiga dhayalka u qubanaya, dhimashada nafaha, dhaawaca joogtada ah iyo dhibaatada amni ee haysata shacabka Muqdisho waa masiibo iyo murugo joogto ah qof kasta oo damiir leh damqaysa, 30 sanno in Idaacaddaha iyo Telefishinadu tebiyaan wararkan hadh iyo habeen oo aan wax isbeddel ahiba imaneynin runti waa mid qof kasta damqaysa in si dhayal ah loo dilo, Haweenka, Carruurta, Culimadda, Ganacsatadda iyo Haldoorka bulshadda! Dawladdihii xukunka iskaga dambeeyeyna ay damaanad qaadi kari wayaan nolosha dadka Muqdisho illaalinteeda.

Shacabka Muqdisho iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshadda waxa aan u soo jeedin lahaa in ay sida shacabka Somaliland qof waliba noqdo Askari amniga illaaliya sidoo kale waa in aad gacan buuxda dawladda ka siisaan illaalinta ammaankiina umaddeed. Sidani maaha si aad sii eegan kartaan waa xasuuq joogto ah ee ha aqbalina in naftiina qaaliga ah ee Alle idiin hibbeeyey si dhayal ah idiin dhaafto iyo in dhiigiinana loo daadiyo maalin walba si ka baxsan bini’aadamnimada. Tallo qaran ayaa la gudboon umadda Muqdisho, waxa aan Alle idinka baryayaa amni iyo jiritaan umaddeed. Hooyadda ooyeysa habeen walba, hagardaamooyinka haysta iyo hubka loo isticmaalayo shacabku waa shay na damqaya.”

WQ. Xildhibaan Barkhad Batuun

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker