Astaamaha Magaalo Ku Noqon Karto Caasimad Ama Magaalo Madax Wadan !!!!.

Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.
Wadan Markuu Magaalo Caasimad Ka Dhiganayo Wuxuu Raacaa Shuruudo Adag Oo Aan Laga Gudbi Karin:-
1. Magaaladda Caasimadda Laga Dhigayaa Waa Inay Ka Fogaataa Xuduudka Ay Wadaagaan Wadamadda Ku Hareeraysan Ugu Yaraan 200 Km.
2. Magaaladda Caasimadda Laga Dhigayaa Waa Inay Leedahay Biyo Badan Oo Ku Filan Hal Milyan ILaa Laba Milyan Oo Qof.
3. Magaaladda Caasimadda Laga Dhigayaa Waa Inay Leedahay Sarfayn Balaadhan Oo Laga Dhisi Karo Ugu Yaraan Afartan Laami Oo Laamigiiba Dhan Yahay 20 Mitir ILaa 40 Mitir.
4. Magaaladda Caasimadda Laga Dhigayaa Waa Inay Leedahay Hawo Wanaagsan Iyo Ciid Ama Caro Wanaagsan.
5. Magaaladda Caasimadda Laga Dhigayaa Waa Inay Ku Taalo Badhtamaha Wadanka, Oo Ay Isku Xidho Ama Xidhiidhiso Goboladda Somaliland Si Loo Helo Maamul Daadejin Iyo Asaaskii Bulshadda Oo Gobolkastaaba Xakhiisa Helo Insha Allaah.
6. Magaaladda Caasimadda Laga Dhigayaa Waa Inay Ku Fadhido Dhul Balaadhan Afarta Jiho Oo Kayd U Ah Oo Aan Lahayn Dooxyo Ama Dhul Beereed Xanibaya Fidinta Caasimadda Mustaqbalka Soo Socda
Insha Allaah, Dhulkaasina Jiho Kasta Waa Inuu Noqdaa Ugu Yaraan 40 Km, Afartan Km.
7. Magaaladda Caasimadda Laga Dhigayaa Waa Inay Ka Fog Yihiin Garoomadda Dayuuradaha Ugu Yaraan 20 Km, Xeryaha Ciidamadda , Sayladda Xoolaha , Bakhaaradda Waawayn Ee Ganacsatad, Taawarada Ama Biraha Shirkadaha Isgaadhsiinta.
8. Magaaladda Caasimadda Laga Dhigayaa Waa Inay Leedahay Goobo Ama Xarumo U Gaara Basaska Ka Dhex Shaqeeya Xaafadaha, Tagaasida, Iyo Gaadiidka U Kala Gudba Goboladda Somaliland.
9. Magaaladda Caasimadda Laga Dhigayaa Waa Inay Leedahay Ugu Yaraan Toban Dhakhtar Ama Cusbitaal Oo Wayn, Oo Ay Yaalaan Ugu Yaraan Sadex Kun Oo Sariirood, Kana Hawlgalaan Dhakhaatiir Aqoon U Leh Xanuunadda Kala Duwan Iyo Qaliimada.
10. Magaaladda Caasimadda Laga Dhigayaa Waa Inay Leedahay Suuqyo Waawayn Oo Suuq Kastaaba KunFadhiyo Ugu Yaraan 2 Km.
11. Magaaladda Caasimadda Laga Dhigayaa Waa Inay Leedahay Sariibado Nadiifa Oo Dedan Oo Leh Albaabo Ku Shaqeeya Laydh Ama Koronto Oo Aanay Soo Gelin Habeen Iyo Maalinba Eyda, Daayeerada, Bisadaha Iyo Xoolaha.
12. Magaaladda Caasimadda Laga Dhigayaa Waa Inay Ka Mabnuuc Tahay Inay Ku Dhex Noolaadaan Eyda, Daayeerada Iyo Xoolaha.
13. Magaaladda Caasimadda Laga Dhigayaa Waa Inay Leedahay Ciid Wanaagsan Oo Lagu Beeri Karo Dhir Badan Oo Ugu Yaraan Lagu Qiyaaso 500,000 Geed, Shan Boqol Oo Kun Oo Geed Oo Isugu Jira Maraa, Baxrasaab, God, Madheedh, Galool, Miri miri, Ama Geed Hindi, Dhirta Waawayn Oo Caasimadda Lagu Beeraa Waxay Yaraysaa Dabaysha Ama Siigada Iyo Kulaylka Faraha Badan.
14. Magaaladda Caasimadda Laga Dhigayaa Waa Inay Leedahay Suuq Ganacsiyeed Aad U Balaadhan Oo Ganacsigaasi Iskaga Gudbo Si Sharci Ah Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti, Eriteriya, Suudaan, ILaa Afrikada Galbeed.
15. Magaaladda Caasimadda Laga Dhigayaa Waa Inay Leedahay Diiwaangelin Ama Warqad Aqoonsi Oo Sax Ah Oo Sugaysa Muwaadinka Iyo Ajaanibka Si Dhaq Dhaqaaqa Amnigu U Sugnaado Insha Allaah.
Wabillaahi Towfiiq.
ahmed adem mohamoud

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker