Siyaasi Cabdilaahi-JAWAAN Oo Soo Dhaweeyay Shir-weynaha Beellaha GARXAJIS Ee Buurta GACAN-LIBAAX

Waxaan halkan hambalyo uga gudbinayaa: Shirweynaha Beelweynta Ismaaciil Sheekh Isaxaaq ( Garxajis ) ee Buurta Gacan-Libaax Shirku uga furmay Taariikhdu Markay ahayd: 9 Shawal 1439 Hijr, 23 June 2018 ama 2dii Bisha 1aad ee Xagaaga Sanadka Soomaalida. Shirweynaha Wax Talo iyo Tusaale Toona uma Soo Jeedinaayo Sababta oo ah Beelweynta Ismaaciil Sheekh Isaxaaq Waxay ahaan Jireen Haddana Yihiin Hormuudka: Xigmada Af Soomaaliga, Gabayada, Maahmaahaha, Suugaanta iyo Hal-abuurka Heesaha iyo Fanka Soomaalida. Walaallayaa Waxaynu Nahay: Isku Dad, Isku Dal, Isku Diin, Isku Dan, Isku Doonis, iyo Isku Diidis Haddii Danni Qasabto. Haddaba Aniga oo ah: Oday Same-Talis iyo Siyaasi Soomaalilandba, kana Wakiil ah: Mataankiinii Waxaan idiin Soo Gudbinayaa: Duco Niyad Sami Ku DheehanTahay. Waxaan Ku Rajo Weynahay in Shirweynhiina ay ka Soo Bixi Doonaan Go’aanno Waxtar u Leh Beelweynta Ismaaciil Sheekh Isaxaaq ( Garxajis ), Somaliland iyo Guud Ahaan Umadda Somaliyeed Meelkasta iyo Dalkasta Ha Ahaadeenne. GUUL IYO GOBONIMO.

Cabdilaahi Cabdi Cumar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker