Filanwaa sheeko Jacayl Qaybtii 11aad W/Q: Yaasiin xasan…..

Deeqa  waxaa galay dareen, waxay ku fikirtay sida Maxamed si la mida, taaso ah inay marka hore ay is arkaan ninkan kaftanka badan eed moodo Abwaan ruugcaddaa ah, is la markaana xikmada iyo murtida caqligu u dheeryahay, waxay go’aansatay haddii uu ka ogolaado isla caawaba inay kulmaan, haddii kalana habeendambe ayna ku dhaafiin aragtidiisu.

Saacad kaddib ayuu Maxamed telfoonkii ku celiyay, waxaa ka qabatay deeqo, salaan kaddib, markay cabbaar wadda sheekaysteen weliba uu uga waramay wixii ku dhacay markuu soo wacay ee ayeydeed ka qabatay iyo sida loogu hanjabay, ayaa qosol loo wada dhacay, deeqa oo waalidkeeda taageeraysa ayaa dhahday, ayeeyo hawsheeda ayay haysataa, gabadh walba waalidkeed waa u darbi iyo deyr ilaaliya, waa u dugsi iyo dugaal wixii halis ah ka dhawra, waa u sahan iyo soofjeris meel wanaagsan la baadi gooba.

Maxamed oo murtideedu soo jiidatay waxoogana jikaaraya ayaa dhahay, iskoolka miyaa laguugu dhigay xigmadan mise bug ayaad ka aqriday?

Deeqa oo garatay ujeedkiisa: Ayaa tidhi maxaa dhacay anigu murtidaada kaagama baqaylee inaan aniga maankayga ka keenay ma ii quuri weyday gacale, kaddib waa la wada qoslay.

Kaftan gaaban kadib Maxamed ayaa wuxuu yidhi: “Walaalo deeqa, wax kale kuuma soo wicin ee, waxaan rabay inaan kulano haddii aad awoodo, waxaan jeclaan lahaa inaan caawa is aragno”.

Hadalku wanaagsana, waxaad moodaa in qalbiyadoodu is ogaayeen dareenkooduna wada shaqaynayo, waxba kama qabo ayay ugu Jawaabtay, iyadoo u raacisay inay aad u danaynayso aragtidiisa, waxay tidhi: “Waa arrin wanaagsan, aniga lafteyda ayaa raba inaan ku arko, waayo warkaaga waa weynyahay, marka inaad sida warkaaga u weyntahay iyo in maankaaga iyo maskaxdaadu da’daada ka weyn yihiin waa rabay inaan ogaado oo aan dadka kaa barto.

Maxamed intuu u mahadceliyay ayuu ku yidhi: “Walaalo aniguba sidoo kale aad ayaan ugu heelanahay aragtidaada, balse xagaynu ku kulanaa, aniga xaafadda aan daganahay waa iska cidhiidhi, haddana gurigu wuu dad badan yahay, mida kale yar saaxiibkay ah oon qolkiisa tagilahayna, safar ayuu ku maqanyahay.

Deeqa waxay tidhi: “waan ka xumahay, caawa gurigeena marti ayaa joogta, laakin dhib malahaan gabadh saaxiibtay ah oo dagan xaafada Nuur Xawaad, oo ninkeedi Xamar ku maqanyahay, ayaan gurigeeda ku sheekaysan  doona, waxaadna iigu timaadaa marka hore, Garaashka Dhagax jabis  inshaa’alaah 7:30  fiidnimo dharka noocaas iyo noocaas ayaan soo xidhan doonaa, markaad soo baxaysana telefoonka laynka iga soo wac”

Maxamed, xili hore ayuu sii diyaar garoobay, markii wakhtigii la gaadhay horay ayuu u baxay, una abbaaray halkii lagu balansanaa, isagoo faraxsan ood moodo inuu helay qofkii uu ku ilaawi lahaa jabkii ka soo gaadhay jacaylkii guuldaraystay ee dhibaatada badan dhaxalsiiyay.

Maxamed  jidka intii uu  sii socday farriimo badan ayaa maskaxdiisa kusoo dhacayay, intii uu kaligii isla tallamayay ayuu dhaafay Goobtii lagu balansanaa, waxa uuna is arkay isagoo Bakhaarada Nuur Xawaad taagan,  yaab durba intuu ismajiiray ayuu isagoo tallaabo boobsiinaya, dibna ugu noqday halkii balantu ahayd.

Maxamed markuu yimid goobtii lagu balansanaa waxa uu arkay gabadh meel aan ka dheerayn sii jeeda, oo hubqaad iyo hannaan isku darsatay, hab dhismeedka jidhkeeda, jooga iyo dhererka isku qotoma ee aan hilibka badani saarnay, caato weydana aan ahayn ayaa ashqaraar ku abuurtay, midabka iyo muuqaalkeeda quruxda badan isagoo ilqoodha ka eegayaa ayay Deeqa soo jeedsatay.

Maxamed oo quruxda Deeqa la dhaygagay ayaa isweydiiyay tallow miyaad riyoonaysanaa, waxaa la yaab ku noqotay inay gabadh sidan oo kale ay Magaalada Baladweyn joogto, isagoo isla xanshashaqaya ayuu hoosta ka yidhi, mindhaa waaba Beerluladii bari hore Abwaan Hadraawi sheegay, dabadeedna hadal wuxuu ka bilaabay Asalaamu calaykum.

Deeqa intay istaagtay oy marada afka saartay, iyadoo xishoonaysa ayay ku tidhi: Wa calaykuma wasalaam,

Maxamed iyo Deeqa oo aad u faraxsan ayaa isweydaarsaday  kulanti wanaagsan iyo aragti xiiso leh, waxyar kaddib Deeqa oo aad  u riyaaqsan waxooga xishood ahina ka muuqdo  ayaa Maxamed ku tidhi: “Walaalo ina keen guriga ayaan ku sheekaysan doonaa,  waxaana la aaday xaafadda  Deeqa deganayd oo aan sidaa u durugsanayn.

Casar dheer qol ay sii diyaarisay oo si heer sare loo habeeyay, udug badana ka soo carfaayo ayay tidhi soo gal, kaddibna sharaab qabowna soo ag dhigtay.

Intaa ha inoo joogto lasoco qaybaha dambe

W/Q: Yaasiin xasan

Yaasiinxm14@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker