Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Qatar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Qatar Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohammed Hashim.

 

Inta uu kulanka socday ayaa waxaa looga hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga, iyadoo loo marayo istraatijiyad siyaasadeed, nabadgelyo iyo dhaqaale si loo xoojiyo maqaamka xiriirka taariikheed ee labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah.

 

Waxaa sidoo kale laga dooday arrimo dhowr ah oo ku qotoma xiriirka iyo sidoo kale xaaladda gobolka iyo dunida inteeda kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cawad ayaa siiyay safiirka Qatar ee dalkan warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaalada guud ee dalka, waxa uu amaanay doorka Qatar ee horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

 

Safiirka Qatar, ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay Hardanka Dowladda Dhexe ay ugu jirto sidii ay u soo ceshan leheyd Maqaamkii ay ku leheyd dunida inteeda kale.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi iyo Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika Mudane Abdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker