Sheeko Kale Keen!

Shirarkii xal u raadinta khilaafka Somaliya iyo Somaliland ee la qabtay waxaa laysla hor fadhiyay oo Somaliland ku cel – celinaysay  dhacdooyinkii dagaaladii dalka ka dhacay iyagoo udub dhexaadka doodu ay ku dhisnayd dawladii Siyaad Bare dhibaatooyinkii ay u gaysatay beesha Isaaq (waa lay dilay, waa lay dhacay, diyaarad baa I rushaydsay, iyo xasuuq baa dhacay) IWM.
Jawaabta Dawladda Somaliyana waxay ahayd “waa ka xunahay” dhibaataduna idinku gaar ma ahayn ee Somaliya way wada taabatay haba laggu kala batee maamulkii dhibaatadaa gaystayna waaba la riday oo dagaaladii aad ku qaadeen baa galaaftay ee xalka aynu kawada hadallo.
Hadii aynu garnaqsano intaynaan cid kale garmarin iyo garawsi ka sugin, dagaalada sokeeye iyo  jabhada caalamka ka dagaalama dhibaatooyinka lagga dhaxlaa taariikhday ku xardhantahay tusaalena waxaa kuugu filan Rwanda, Tutsiga dadkii lagga llaayay innaga inagama dhiman waana lagga heshiiyay, kumaankun baynu innaguba dabka saaray oo aan laba cali iswaydiin, boqolaal aan danbi gelin oo shacaba ayaynu xasuuqnay, markaa cataabka iyo baroortan aan dhamaan maxay innoo goysay, bani’aadamku ayaamaha adag ee soo Mara waayo aragnimo ayuu ka qaataa taariikhduna laybareeriyada iyo ruggaha xusuustaa loogu taggaa.
Maamuladii soo maray Somaliland 30 sanadood kumay guulaysan in ay mideeyaan dadka wada dega dhulkii  laysku odhan jiray Somali British protectorate, gobolada Sool,Sanaag Bari waxaa ka babanaya degaamo  badan oo ka mida calankii Soomaliya inta badan dadkaasina kuma riyoodaan Somaliland inay aaminaan iskaba daaye.
Gobolka Awdal shacbiga degeni marka la eego maqaarkuun baa lagga bedelay ee ruuxda iyo qalbiguba waa Soomali wayn, xaqiiqada marka lataabtana ma helaan saamigii iyo xuquuqdii muwaadin ee ay ku lahaayeen Somaliland.
Marka lagga soo gudbo gobolada hareeraha dad aad u farabadan oo ka mida beesha dhexe ayaan u arag xal in Somaliland ay ku sii jirto go’doonka goosashada kana soo horjeeda in waqti danbe ku lumo loona baahan yahay midnimo Soomaliyeed oo la gaadho iyo xal waara oo ku dhisan cadaadalad.
Aqoonsiga aynu raadinayno intaan la gaadhin marka laga reebo nabadda Ilaahay innagu galadaystay oo oday dhaqameedkeenu laf dhabar u yihiin mooyaane maxaa inoo qabsoomay 30 sanadood, adeegyadii dawladnimo maxaa hirgalay? Aasiyaadkii nolosha dawladdu maxay ka qabatay: waxbarashada, caafimaadka, biyaha,jidadka, isgaarsiinta, korontada,dawlad wanaaga IWM….
Adeegyadaa aynu soo xusnay dawladdu wax muuqda oo ay ka qabatay ma jirto waxaa intooda badan dhabarka u ritay dad gaara oo ganacsato ah oo waa adeegyo gaar loo leeyahay.
Markaad doonayso in aad ogaato waxa kuu qabsoomay waxaad barbar dhigtaa dawladaha aduunku 30 sanadood maxaa u qabsoomay xawli intee le’eg bay gooyeen, caalamkuna maanta halkuu marayaa dhaqaale ahaan iyo dhismo ahaanba.
Maanta caalamka waxaa ka jirra isbedelo waawayn sidoo kale Mandiqadda aynu ku noolahayna waxaa ka socda kala guur dhaqan dhaqaale sidoo kale waxaa ku soo wajahan loolan dhaqaale iyo mid strategiyadeed oo ka dhex aloosan dawlado shisheeye oo xoog badan, waxaa kale oo dhex boodaya dawlado la soo wakiishay oo iyaguna fulinaya qorshayaal khatar ku ah jiritaankeena, markaa waxaa loo baahanyahay in aynu la jaanqaadno isbedeladaa iyo dabaylahaa siyaasadeed oo sheeko xariirta iyo caadifadda ka gudubno riyadana ka baxno oo dalka iyo dadkaba wax dhaqaaya oo mustaqbal wanaagsan gaadhsiinaya laga shaqeeyo!
Markaa waxaan qoraalkan ku soo xidhayaa “shalay tagtaye maanta sheeko kale keen”.
Qalinkii: Ahmed (Sheekh Isaxaaq)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker