Ha is odhan cidi kuma arkayso ee afka buuxso nin xil qaaday eed qaadyee

Ha is odhan cidi kuma arkayso ee afka buuxso nin xil qaaday eed qaadyee haatuf kula socdaa jira hadhkaaga lagu diray ee ogow
Hantida umada ee laga soo ururiyo dadwaynaha waa dambi in lagu tagri falo oo la helo la xisaabtan dhab ah meelkasta o oil dhaqaale kusoo xaroodo taasi hadii la helo macnaheedu waxa weeye meel haykalkii dawladnimo uu ka shaqaynaayo hantida umada oo la dabo galo waxa ugu dambeeyey waqtigii madaxwayne maxamed xaaji ibraahim egal alah ha u naxariistee inkastoo waqtigaa dalku aanu sidan manta uu yahay aanu ahayn dabagalkaasi waxa uu keenay in masuuliyiin ay kusoo gabadaan masaajidka madaxtooyada maanta dawlada hoose waxa ku jira hanta dhawr badhaaya hantida umada dawladu kasoo ururisay
Waa in xogta kasoo baxda baadhiistaas loo soo bandhigaa umada dalku maanta ma taagna halkii shalay kadib najiidada kasoo baxda waxa shacbigu uga fadhiyaa in madaxwayne muuse biixi cabdi qaadi doono talaabo dawladnimo oo sharciya

Goolaha guurtudu waxay ku dhawaaqeen mudo kordhintii aqalka baarlamaanka dalka halka madaxwayne muuse biixi cabdi uu ka gaabsaday in mudo kordhin loo sameeyo golayaasha deegaanka dalka oo ku sifoobay musuqmaasaq shaqo xumo xil gudasho la aan iyo waxqabad la an cabasho badan oo kasoo yeedhaya shacbiga ku nool dhamaan gobolada iyo degmooyinka ay ku kooban tahay jsl
Si walba ha ahaato mindidu waxay dul sudhantahay sidii look ala diri lahaa golayaasha deegaanka dalka shacbigu waxay dhagta iyo indhaha ku hayaan goaanka kasoo yeedhi doona madaxwayne muuse bixii cabdi oo aad uga biyo diiday cabashada kasoo yeedhaysa shacbigii doortay golayaasha deegaanka dalka oo aan ku qanacsanayn inaanay jirin wax ay qabteen dawlada hoose ee dalku mudo xiloodkoodi

Moyar sotolco waa moyar in badan si toos ah uga qayb qaatay waqtigii doorashadii xisbiga kulmiye ee muuse biixi cabdi inkastoo xillbay adhi jir wadaagtaa marna moyar sotelco meesha muu soo dhigan in hantidhawr la galinaayo dawlada hoose hargeisa sida ay u badinayaan bulshada ku nool caasimada hargeisa najiidada kasoo baxda baadhistaa dawlada hoose waa mid madaxwayne muuse biixi cabdi uu ku kala diri doono golayaasha deegaanka dalka oo uu soo magacaabi doono hal moyar oo sii shaqeeya inta ay qabsoomi doonto doorashada barlamaanka iyo deegaanka

Ma jirto taariikh waxqabad oo ka muuqata caasimada hargeisa sida wadooyinka bilicda caasimada dhibaatada maamul ee mushkulada dhulka oo sii kordhaysa sabibi kartana nabadgalyada iyo xasiloonida dawladnimo oo ay khalkhaliso
Waqtiyadii hore golayaasha deegaanka dalka waxa isku soo sharixi jiray dad kasoo jeeda qoysas maalqabeen ah oo u dhashay gobolkaa ama degmadaa ay u sharaxan yahiin
Halka manta 25 xildhibaan ay soo doorteen bulshada ku nool caasimada iyadoon loo eegin taariikhdiisi waxbarasho shaqo waxqabad

Waqtigii golaha deegaanku waa gebo gebo hal cadhani geed ay ku xoqoto ma waydo wadooyinka waxa dhisay shacbiga iyo ganacsatada dalka 70% ma aha waxaad ku faani kartid hoos u eeg caasimada fool xumada bilicda wadooyinka cidhiidhiga ah nadaafad darada iyo heshiiska xaaranta ee aad kula jirtid shirkadaha qashinka moyar waxa ku sharaf ah adigoo is casila manta shacbigu uma diyaar aha in ay codkooda doorasho dambe ay siiyan muwaadaniinta u sharaxan dalka taas waxa u sababa khasaaraha iyo guuldarada laydinkala k sababay dhiig baxaa iyo dhimashadaa badbaada hooyada foosha
Waxa markhaati u ah qof kasta oo ku nool caasimada hargeisa dhibaatada ka haysata gadiidka wadooyinka burburay oo aad wax ugu dhimay bilicda iyo nadaafada caasimada hargeisa

Waa in aynu ka fiirsana doorashada inagu soo socota si aanay u noqon tii u dambaysay aynu joojino cadiifada qabiilka oo aynu ku soo xulano musharaxiinta aynu gaysano golayaasha deegaanka dalka

Shacbigu ha eersadeen gacmahooda ay ku doorteen golahan deeganka ah ee fadhiidka ilaahay waxa uu yidhi qoomna ilaahay ma duleeyo iyagoo is duleeya mooyane sida sharciga uu ahaa waqtiyadii hore doorashada goolaha deeganka waxa laga soo dooran jiray tuujarta dad can ah oo leh maal iyo aqoon oo usoo istaagi jiray doorashada goolaha deeganka caasimada dalka manta qof kasta waxa uu u macalin ah indhhiisa iyo hargeisa cida ay dooratay

Dawlada hoose hargeisa waa muraayada laga daawado maamulka caasimada hargeisa haday dawlada hoose xumaato taa macnaheedu waxa weeye in ay shacbiga ku nool caasimada harg aanay mardambe ku dhiiran inay ay si fudud u siiyan codka kalsoonida waqtiga doorashooyinka golayaasha deeganka ee inagu soo fool leh labo sano ka dib hadaba waxa waajib inagu ah in aynu xusno soona qaadano maamuladii moyaradii ugu wanaagsanaa ee soo maray caasimada hargeisa iyo heerka waxqabadkii ay ka qabteen caasimada hargeisa waqtiyadii mudo xileedkoodi moyarnimo inagoo soo horaysiin doona eng maxd hashi
Waqtigaa uu la kulmay xilka moyarnimo ee caasimada eng inkastoo ay ahay waqti dalku ku jiro xaalad adag oo aanu si

Ugu danbayn madaxwaynaha jsl mudane muuse biixi abdi
Shacbigii kusoo doortay waxay dhagta isha warbahiyaasha dalka ku hayaan dhwaaqa kasoo yeedhi doona eek u wajahan kala dirista golayaasha deegaanka dalka
Waxa markhaati ku ah caasimada hargeisa jidadkeeda bilicdeeda ma odhan karaa hargeisa waxay la tartami kartaa caasimadaha dalalka jabuti adisababa neirobi etc waa maya wadnahu waxa uu boodayaa wahaabigii kulmiye moyar sotelco aduun waa xeerba xeer sidii weeye xabag cadaadeed xilbay adhi jir wadaagtaa shacbigu waa ka garsoore badhista moyar sotelco isha madaxwayne muuse biixi abdi

 

 

Buux Ibrahim

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker