“QABAX-Du Maaha Mashruuc, Mana Aha Qandaraas, Ee Waa Maalin Qayil.

Waxaynu Isla garannay in xafiisyadii dawladdu ay isu baddaleen goobo ganacsi oo halsanno ka yar lagu taajiri karo, waxa aynu isla qirsannahay in adeegii dadweyne ee looga baahnaa uu noqday mid tijaari ah oo aan u shaqaynin si dan guud ah, balse shaqsiyaad lagu naasnuujiyo.
Markiiba waxa maskaxdaada ku soo dhacaya boqol mashruuc oo boqllaal kun oo dhalinyaro ahi ka shaqayn lahayd oo boqol qof oo kaliya kooto loogu xidhay. Kaligaa maad xasuusan anigaygan kula hadlaya ayaa markiiba maskaxdaydu ii sheegtay maashaariic badan oo aan sida dharkayga u aqaan oo kooxo yari ka taajireen.
Haddaba in layna boobey waa aragnaa, in laynoo joojin waayey waa aragnaa, in albaabada in laynaga xidhay waa aragnaa, in la ina qaybsadayna waa kuu muuqata, in la inaga adkaadayna way caddahay sababa badan awgood.
Haddaad isleedahay dawladnimadii Soomaalilaan siyaasiyiin tiro yar baa ku macaasha waxaad illowday inay la macaashaan Ganacsato la siiyo cashuur dhaaf iyo qandaraasyo, waxaad illowday Saxaafad la siiyo ” QABAX” Qabaxda ma taqaannaa? Qandaraas maaha, maashaariic maaha, lacag buuran maaha, ” Waa Maalin Qayil” sidaasbay ugu bixiyeen QABAX.
Bal ka warran nin Qalin sita oo Kamarad sita oo suxufi ah oo bulshadiisa wax badan u iftiin kara, oo musuqmaasuqa iyo caddaaladarrada soo bandhigi kara, oo masuulkii ummadda xadaya toosh weyn ku ifin kara, laakiin ka doorbidday ” QABAX” muxuu istaahilaa ninkaasi? Miyaanu istaahilin in Taayir gubanaya qoorta loo galiyo, miyaanu u qalmin in meesha lagu arko dhagax laga la daalo, miyaanay geyin in la takooro oo sanka laga qabsado urtooda iyo dhagartooda, miyaanay waajib ahayn in  xisaabtan dhab ah la la galo. Caloosha waxaad ka leedahay waa runtaa. Afkana waxaad ka leedahay waa inaadeerkay uma quudho.
Inaadeerkaa nin baa igaga daran, nin aan aaminay oo Diintii ilaahay ku aaminay, oo magacii Islaamka ku aaminay ayaa isna I khiyaameeyey. Haa waa runtay uu I khiyaameeyey haddii uu yahay nin Caalim ah oo ilaahay siiyey martabad uu bulshada wax ugu sheegi karo ma u sheegay bulshadan waxa haysta. Ma u sheegay musuqmaasuqa lagu hayo, ma u sheegay sida fawdada ah ee loogu tumanayo wixii lagu wada heshiiyey, ma u sheegay in kooxo yari cunaan wax afar malyani wada cuni lahayd, ma u sheegay in caddaaladdii uu jeebka ku qaatay nin lacag haystaa, ma u sheegay in ganacsatadii ay dhiggooda jaqaan. Maya uma sheeggin. Dee haddaba saw la mid maaha oo waliba kama xuma isagu. Haddaba halkee inoo bad qabta?
Maxamed Aadan Tarabbi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker