Mashaariicda Ay Ka Fulisay Gobolka Sanaag Shirkada Asli Maydi Iyo Muhiimada Ay Beeyadu u Horuumarka Dalka

Beeyadu waxay ka mid tahay khayraadka dabeeciga ah ee ilaahay SWT, ku manaystay somaliland, gaar ahaana gobolka Sanaag oo uu qani ku yahay, taasoo waxtar wayn ku leh qarankan somaliland iyo bulshada ku dhaqan gobolka sanaagba.

Horuumarinta beeyada iyo ka faa’iidaysigeeda waxaa door muhiim ah ka ciyaartay shirkada wadaniga ah ee ASLI Maydi, taasoo somaliland ku soo xidhay suuq caalami ah oo dibeda ah, sidoo kale qayb muhiim ah ka qaadatay horuumarinta gobolka Sanaag, oo ay waxbadan ka qabatay dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo dhismayaasha xarumaha gobolka ee dowlada.

Shirkadan ASLI Maydi, oo uu madax ka yahay Barkhad Jibriil Xasan, waxay tusaale fiican u tahay sida ay shirkadan uga go’antay in ay qayb libaax ka qaadato horuumarinta gobolka Sanaag, oo ah gobol ballaadhan khayraad badanina ku tuugan yahay, taasoo u baahan in gobolka looga faa’iideeyo khayraadkiisa.

Sidoo kale waxaa hubaal ah hadii Gobolka Sanaag, si buuxda ay xukuumaddu ugu taageerto in shirkada ASLI Maydi, ay ahaato shirkada suuq geyn karta beeyada wax wayn ayaa iska bedelaya gobolka Sanaag, gaar ahaana dhinaca horuumarka.

 

Hadaba waxaa muhiim ah in laga ilaaliyo in la siyaasadeeyo shirkadaha dalka wax u soo kordhinaya ee faa’iidada u leh, sidoo kale xukuumadda waxaa la gudboon in ay taageerto shirkadaha keenay maalgashiga ee suuqdayada u soo heshay beeyada, taasoo ay kaw ka tahay shirkada ka ganacsata Beeyada ee ASLI Maydi, taasoo waxbadan gashatay somaliland iyo horuumarkeeda.

 

Shirkada ASLI Maydi, waxay wax badan ka bedeshay horuumarka iyo nolosha bulshada ee gobolka Sanaag, iyada oo bulshada waxbadan kala qabatay dhinacyada adeegyada aas-aasiga ah oo ay u horayso iskuulo meelo badan ay ka dhistay goobo caafimaad oo ay ka mid tahay dhaskhtarta way nee had aka socda magaalada Ceerigaabo iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

 

Ugu danbayntii waxaan odhan lahaa shirkada ASLI Maydi, ha ka faa’iidaystaan reer Sanaag, hana soo dhoweeyaan waxkasta oo maalgashi laga fulinayo gobolka, hana kala gartaa cid wax u qabanaysa iyo cida aan waxba u qabanayn.

 

 

Cabdilaahi Axmed Caarshe, Hargeisa, somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker