Nin Aan Hadhow Ku Furi Doonin Yaanu Ku Rarin

Waxa bari dhacday reer baa nin la yaallay ku yidhi meel barwaaqo ah ayaa la soo arkay ee waynu guuraynaa ninkii wuxu yidhi waar ninyow aniga waxbaa iga kala daadsan ciidan badanna ma haysto ee aan iska negaado,maya!! Anagaa kula rarayna oo ku gacan qabanayna awrtiibaa la soo qabtay Geeddi ayaa loo lallabay Ninkiina waa lala raray awrtii,markay casarkii tahay ayaa Geeddigii yimi Gurigii la degi lahaa sida la ogyahayna rarka hore waxa ka howl badan furista danbe oo Aqal dhis iyo xeryo la oodo ayaa taalla waar Awrta ila fura ayuu dhowr jeer yidhi.Hase ahaatee cidba lama hadal nin kastana waxa mashquulisay siduu xero u oodan lahaa gurina u yagleelan lahaa ninkii waxa laga hayaa inuu yidhi odhaah dhaxal gal ah oo ahayd “Iga danbeeyow nin aan kuu furi doonin yaanu kuu rarin”

Waxa sidaas oo kale ka dhigan xukuumadda masar oo manta oo ay Ethiopia isku hayaan wabiga niilka doonaysa inay xidhiidh cusub la samaysato Somaliland oo  waliba rabta in Saldhig laga siiyo Badda Somaliland,in kastoo dadka reer Masar iyo dadka Reer Somaliland ay yihiin dad walaalo ah haddana Xagga Siyaasadda aad ayaa loogu kala fogyahay oo Masar waxay ka mid tahay Dowladaha sida wayn uga soo hor jeeda Qaddiyadda Somaliland.Waxayna Jeceshay inay Masar mar uun aragto Somali midaysan oo Ethiopia dagaal la gasha si Ethiopia uga mashquul noqoto Biyaha Niilka,Siyaasadda masar (Gopolitic)waa can waa wax la yaqaanno.

Arrinta Somaliland iyo Masar waxay u egtahay sheekada ninkaas xagga sare ku xusan waxan odhan lahaa Somalilaneey Masar kuu furi mayso hadhow ee banaan ayay kaaga dhaqaaqi ee yaanay imika kuu rarin,saaxiibada soo jireenka ahna yaan lagu waayin.Haddise xidhiidh caadiya oo bilaa turxaan ah ay la socoto dhib ma laha ayaan qabaa.

Ethiopia ayaa Dhaam wayn ka dhistay meel u dhow xadka suudaan,dhaamkaas waxay ku Doc ka faruuraysaa Biyaha wabiga Niilka,waxayna Ethiopia u aragtaa inay Mustaqbalkeeda iyo dhaqaaleheeda ku dhisayso waxayna doonaysaa inay ka samayso Laydhka Tamarta Biyaha ku shaqeeya oo ay ka iibin doonto Waddamada Geeska Afrika oo dhan taasna ay xaq u leedahay,masar waxay u aragtaa in Wabiga niilka biyihiisu yaraan doonaan Sidaas darted Noloshii Masar iyo Ilbaxnimadii Masar ee ku dhisnayd wabiga niilka soona taxnayd Qarniyaalka badan illaa Faraaciintii ay khatar soo waajahday sidaas darted dariiq kasta oo ay u mari karto way maraysaa.

Waxa jirta odhaah can ah oo tidhaa “Niil Waa masar,Masarna Waa niil” sidaas darted Waxan odhan lahaa Masar yaanay danteeda ku gaadhin Somaliland ee ha laga feejignaado.

 

 

Rashiid Odawaa

Khadarsalaan@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker