Kenya: Wiil Dilay Shan kamid ah Qoyskiisa Oo la Qabtay Iyo Sababta.

Wiil u dhashay dalka Kenya oo ah Arday wax ka barta  mid kamid ah jaamacadaha Kenya ayaa booliska ka hor qirtay isla markaana faahfaahin ka bixiyay qaabka uu u dilay shan kamid ah xubnaha qoyskiisa, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Simon Warunge oo 22 jir ah ayaa lagu soo warramayaa in booliska uu u sheegay in uu bir ku garaacay hooyadiis, aabihiis, walaalkiis iyo qof qaraabo dhaw la ah ka hor inta uusan gelinin mindi.

Simon ayaa booliska u sheegay in waaliddiintiisa ay ahaayeen kuwo dhib badan oo sheydaan ah, sida uu ku warramay wargeyska The Star.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay necbanaayeen isla markaana ay wax ka sheegi jireen isaga, sida uu baahiyay teleefishinka Citizen.

Waxaa sidoo kale lagu soo warramayaa in weerarka uu ku qaaday qoyskiisa ay ka badbaadeen labo gabdhood oo isaga la dhashay.

Wararka waxay sheegayaan in hooyada dhashay wiilkan ay ahayd kalkaaliso qaabilsan climu nafsiga halka aabihiis uu ahaa kalkaaliye ka shaqeyn jiray Mareykanka kaas oo yimid xilliga fasaxa ka hor dilka loo geystay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker