Reer Jabuuti Hayal samaa, Madaxdoodu Ruug cadaadisanaa!

Sida aynu wada ogeyn Diridhabe, rabshadihii qabyaaladaysnaa ee dhex maray Qabiilka Soomaalida iyo Oromada ayaa waxaa ku dhintay dad ay ku jireen Soomaalida reer Jabuuti. Arintaa markii ay maqashay Xukuumadda Jabuuti waxay si dhakhso ah halkaa ugu dirtay Diyaarad ku duuleysey Calanka Jabuuti si ay usoo daad gureeyaan dalxiisayaasha reer Jabuuti ee Xagaa baxa halkaa u joogey, dhacdadan ayaan looga baran wadamada dunida sadexaad, waxayse muujinaysaa Hogaaminta wanaagsan ee Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. miyaan qof waliba jeclaadeen Madaxweynaha Jabbuuti oo kale? inaguna waynu bogaadinaynaa.

Madaxweynaha Jabuuti, mudane Geelle wuxuu noqonayaa hormuudka Hogaamiyayaasha Geeska Afrika, markaad ka eegto Qoomiyadaha kala jaadka ah
ee uu madaxda u yahay iyo is ogolaysiintooda, isku haynta Waddamada geeska ee kala danta ah iyo la macaamilka Wadamada quwadaha waaweyn ee siyaasaddoodu is diidada iyo kala shakiga ah ee dalkiisa saldhigyada ku leh. Awelba isagoo ku dhex jirey waddamo aan xidhiidhkoodu isku fiicnayn, marka lagu daro hogaamiyaha Budh la duulka ah ee Aretriya ayaa waxuu hadana ku guuleystey inuu dhul kooban isugu keeno quwadihii Caalamka,
Saldhigyada Badda waxaa deggan Maraykan, Faransiis, Jabbaan, Shiine iyo Talyaaniga oo sii marti geliya Isbaanishka iyo Jarmalka. Waxan oo dhami waa
Maskaxdii iyo Farsamadii Madaxweyne Geelle. Waa inaynu uga mahadnaqnaa isu
xilqaanka Dhaqanka iyo taageerada Naf iyo Maalba leh ee uu Soomaalida mar walba la garab joogo. Mahadsanid Madaxweyne in aad Soomaalida tusto in Haweeney noqon karto Maayar howl kar ah.

Madaxweyne Geele waxaynu uga mahad naqaynaa inuu inoo fududeeyo safarada iyo xidhiidhka aynu caalamka la leenahay, waxaanse odhan lahaa, Gurmadka aanu mar walba kugu xisaabtano maalmaha adag waanu kuu ognahay, Seedi waddada isku xidha Jabuuti iyo Hargeysa waa ta keliya ee isu keen ekaysiin karta.

Xukuumadda Muqdisho khaladkeedii hore ee ahaa diidmada maalgashiga Iitoobiya iyo Imaaraadka hadii ay kasoo noqotay waa wanaag, Nin habari dhashay hal ma seegi waayo, waxaase jira xigmad kale oo laga bartay
wadamada Ilbaxda ah, kaas oo ah Saamax la’aanta ay fursad aar goosi sugaan. Xodhxodha Soomaalida waxaa uga wanaagsan iyagoo haday madax dalal kale ama Ururo qoonsadaan inay yidhaahdaan ‘ cabasho ayaanu u gudbiney dowlad hebla ama Gole hebel jawaabna waanu ka sugaynaa, weli ma ay gaadhin da’ dii Doobta ‘. Hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya hore uga yidhi booqashadiisii Eretriya qofba sida uu jeclaa buu u macnaystay, Hadii madaxda Fadaraalka Soomaaliya loo soo adeegsadey Madaxweynaha Iitoobiya in ay u wada Ol’oleeyaan in cuna qabataynta laga qaado Eretriya, iminkana waxaa Madaxda Fadaraalaka Soomaaliya looga fadhiyaa inay Ciidamada Eretriya ka qaadaan dhulka Jabuuti iyagoo adeegsanaya maamulka Iitoobiya, hadii kale shacabka Shanta Soomaaliyeed weligood ma Saamixi doonaan Madaxda Muqdisho.

Walaaltinimadii Soomaalinimo waxay ku soo noqonaysaa is xushmayn iyo qadderinta kala duwanaansheheena feker. waana mid ay rajo wanaagsani kasoo muuqato.

Waxaan bogaadinayaa kulankii Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Mustafe Cagjar, waana in aynu isu aragnaa jiidh isu damqanaya oo dhibka dhinac soo gaadhaa uu ka kale la wadaagayo xanuunka. Madaxweynahayga Muuse Biixi waxaan usoo jeedin lahaa, Mudane beesha Dheriga ag Fadhida ee iyadu uun lafihii feenanaysa ka soo celi Kuraasta dheeraadka ah ee ka maqan Wakiilada reer Sheekh Ismaaciil, Samaroon iyo ilma sheekha kale ee dulman.

Bashiir Tarabbi Oogle.
Bogleh69@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker