Jubbaland oo Cadaysay Mowqifkeeda ku aadan Dhisamaha Xukumadda cusub ee Somaliya

Maamulka Jubbaland ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aadan xukuumada cusub ee Soomaaliya ee uu magacaabay Ra’isul Wasaare Xamze Cabdi Barre, waxaan ay sheegtay inay taageersan tahay xukuumadda cusub, isla makraana ay ku boorrineyso Baarlamaanka inuu ansixiyo.

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland, Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in Jubbaland ay taageersan tahay xukuumadda cusub, isla makraana uu ka rajeynayo in ay la timaado Isbadal.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka labaad ayaa ku soo eegmaya xilli shalay Madaxweyne ku-xigeenka kowaad ee Jubbaland iyo dhigiisa Galmudug ay qaadaceen Xukumadda Cusub ee uu magacaabay Ra’iisul wasaare Xamse, iyaga oo ku sababeeyay in la baalmaray nidaamka Awood qeybsiga Beelaha.

Jubbaland ayaa noqotay Maamulkii ugu horreeyay ee ka tirsan Maamul Goboleedyada dalka oo soo dhoweeyay Xukumadda Cusub.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker