Alshabaab Oo Weerartay Saldhig Ay Leeyihiin Ciidamada Kenya

Kooxda alShabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya ayaa weerar ku qaday saldhig ay leeyihiin ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Weerarka ayaa lala eegtay saldhig ku yaala gobolka Jubada Hoose, waxaanay alShabaab xerada ku garaaceen madaafiic kala duwan, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanku.

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka alShabaab, balse waxa xusid mudan in maalmihii lasoo dhaafay deegaanka Husungow ee gobolka Jubada Hoose weeraro kala duwan loogula eegtay ciidamada Kenya ee saldhiga ku leh halkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker