DAGAALKA TUKA-RAQ WUXUU SALKA KU HAYAA SOMALILAND BRITISH PROTECTRATE DALKII LA ODHAN JIRAY IYO XUDUUDIISA.

Dad aad u badan oo reer Somaliland ah oon u bislayn taariikhda Somaliland oo siyaasadda uun sanka ka fuulay iyo bahashan aan aqoon iyo wax AKHRI iyo khibrad lagu salaynay ee reer hebel uun salaan laga dhiganayo ee darajo sare oo meel a looga soowareegin lagu helayo waxay Reer Somaliland dhaxal siisay in MADAX badan baayac mushtari badan aqoon yaan isku sheeg badani aanay taariikhda Somaliland ka dheregsanayn. Macal as if waxay dadka muslimka ah ama Somalida ah ee waxay ahayd inay taariilhda Islaamka ama wadamada Islaamka 500 boqol u dambeeyey si wacan loo derso oo loo yaqaan marka la iskaba soo dhaafo waqtigii saxaabada iyo waqtigii Cabaasiyiinta iyo umawiyiinta oo intaa wadaada loo ba damayo. Hadday nu nahay kuwa leh waxbaan baanay 500 boqol ee u dambeysaa ee 350 sano uu arliga I slaamka Osmaaniyiintu gacanta ku hayeen 150kii sane ee dambena ay reer Galbeed ku turkigii wada qabteen aynu si wacan u akhrido oo derisno maanta Taariikh da Somaliland inagamay madmadoobaateen oo kuweenna siyaasiyiinta isku sheegaa reer hebel kumay yooyootameen iyo fikirka Jeegaan iyo wixii la mida kumaynaan meeraysaneen. Puntland oo qoys yara maanta inagamay adkaateen oo kolba ergo meeqaamkeedu hooseeyo oo dad aan taariikhda hayn oo suuqa laga soo ururiyey Garawe inaguma soo ceebeeyeen. Beribaa waxaa la yidhi Waraabaa WELIGIIBA dameeraa cuni jiray oo ka adkaa, berigii dambe ayuunbaa habeen Waraabe iyo dameeri is Heleen markiiba waraabihii wareer buu ku soo QAADAY DAMEER kii, dameer kii oo isdifaac ku jira ayuubaa Allah afkii ugu hagaajiyey meel gol jilic ah oo khatara, waraabihii weligii dameeraa ka adkaa ayaa CABAAD KA KACAY, DAMEERKIINA WUU FAHMAY OO BARTII SIIDAYNWAAYEY MARKAASAA WARAABIHII HALKII KU NAF Waayey. Waxaa imika sidaa ka dhiga Puntland oo dagaalkii TUKA-RAQ meel halisa ka qaniinsan Somaliland iyo Somaliland oo reero ay u qaybiska Xukuumaddii uu SIILAANYO ka XANUUNSADAY ee musuqmaasaqa ahayd ee ay doorashadiina Muse Biixi u boobtay dabadeed meeshii oo Dagaalkii CEEL-AFWEYN la huriyey, shacabkii oon israacsanayni joogo iyo Dawladdii iyo Xukuumaddii oon midna la wada lahayn baa dagaalka TUKA-RAQ oon Jeegaantu cidna kala tashan isku QAADAY. ARINTAASi qadiyaddii Somaliland dhabar jab Bay ku keentay. Hadaba calaacal waxba ma taro ee reer Somaliland aw MAXAA xala.

1- Qodobaddii GACANLIBAAX waa in la fahmo waxna lagu qaybsado.
2- Dantii guud wixii dib GACANTA Dawladda loogu soo celin karo lagu soo CELIYO inta ay weli dhawdhawyihiin si wax la isaga CELIYO, sabaayad wajaale lagu dubaa jiidda hore ee TUKA-RAQ wax inaga celinmayso.
Dawladda reer ka qudhi isku taxay waa in wax la wada leeyey llaa reeraha daraf yada la wada yeesho, kootooyinka reerraysan la joojiyo oo wadanka jeex qalalka laga daayo.
Toorashooyinka ku shubashada iyo boobka laga fogeeyo haddii kale sidaynu u noolay habar dugaagga siday u noolyihiin waxba ma dhaano. Dadkana waa in la fahansiiyaa Dagaalka TUKA-RAQ inuu Taariikhda Somaliland ku lug leeyey iyo jiri taankeeda ee AANUU ku lug lahayn Jeegaan iyo sheekooyinkan dhuusada tuugta ah wadanka kala qaybqaybisay.
MBashe (Meerkat)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker