Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay rabshadihii xalay iyo shalay kadhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay rabshadihii xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xilligan la ydhraahdo dalka dowladi kama jirto, weerarna lagu qaado saldhigiyada ciidanka qaranka ee difaaca dalka u soo dhintay.

Waxa uu shacabka ugu baaqay inaanay  aqbalin in dagaal laga rido magaaladooda oo la burburiyo hantidooda, guryahooda iyo nabaddii ay u soo dhibtoodeen.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in uu dadaal aad u weyn ku bixiyay sidii looga baaqsan lahaa dhibkii dhacay balse laga dhaga adeygay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker