Dadka Reer Brazil oo ka Cabsi Qaba in Xanuunka Coronavirus uu Galaafto Xidigooda Pele

Halyeyga Reer Brazil ee Pele ayaa lagu karantiimeeyay Gurigiisa ku yaalla Guaruja, waxaana inta ka Agdhow ay soo gudbinayaan walaac la xidhiidha xaaladdiisa Nololeed oo ku aaddan xanuunka Coronavirus oo sabab u noqon karaya inuu u Geeriyoodo xilli uu dalkaasi ka mid noqday waddamada uu sida xun ugu faafayo.

 

 

Halyeygan 80 jirka ah, ayaa Sannadihii ugu dambeeyey caafimaadkiisu Diciifayey, waxaana marar badan xaalado caafimaad loo dhigay cusbitaallada, waxaana Toddobaadyo ka hor warbaahinta la hadlay wiilkiisa Edinho oo caddeeyey in bilihii ugu dambeeyey ay xaaladda caafimaad ee boqorka kubadda cagta adduunku kasii Daraysay.

 

“Aad ayuu uga diciifay socodka. Waxa uu dhowaan galay Qalliin misigta ah laakiin ma samaynin soo kabashadii, dhibaatana waxay ka haysataa socodka, taasina waxay keentay in xoogaa qulub ah ku dhaco.” Ayuu yidhi Edinho .

 

Oo u warramayey wargeyska Globoesporte, waxaanu intaas ku daray: “Isagu waa ‘boqor’, mar walba wuxuu ahaanayaa xubin muhiim ah, balse maanta si fiican uma socon karayo, aad ayuu u walaacsan yahay, wuuna xishoonayaa.”

 

Hadalkani waxa uu ahaa Usbuucyo ka hor, laakiin sida uu qoray wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain, dadka ka ag-dhow Pele waxay waqtigan ku jiraan xaalad murugo ah, waxaanay ka baqayaan in xanuunka Coronavirus uu noqdo midkii Dunida ka kaxayn lahaa boqorka kubadda cagta.

 

 

Sida uu wargeysku sheegay, waxa Pele laga joojiyey dadka soo booqanaya, sidoo kalena waxa xayiraad la saaray cid kasta oo shaqaalaha ah inay si dhibyar u tegi karaan qaybta uu ka deggan yahay gurigiisa,

 

iyadoo cidda la xidhiidhaysaana ay taxadar badan samaynayso, isla markaana sanka iyo afka xidhanayso, halka gacmahana ay golofisyo gashanayaan.

 

Waddanka Brazil, waxa uu xanuunkani ku dhacay dad ku dhow 1,000 qof, waxaana illaa hadda u dhintay 11 qof, laakiin guud ahaan adduunka ayuu gaadhay 280,000  oo qof, waxaana si xawli ah uu shalay ugu faafay waddamada Talyaaniga, Jarmalka, Spain iyo Maraykanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker